Sawirro: Rugta Tiiraanyo Bixinta iyo Caddaaladda oo Garoowe Ku Qabatay Kulan Looga Hadlayo Xal U Helidda Tiiraanyada iyo Kobcinta Caddaaladda.

Rugta Tiiraanyo Bixinta iyo Caddaaladda waxaa la hirgeliyay sanadkii 2016 waxayna ka shaqaynaysaa sidii looga hor tagi lahaa tallaabo kasta oo keeni karta Tiiraanyada iyo murugada isla markaana loo kobcin lahaa caddaaladda iyo sinnaanshaha bulshada.

Prof. Hodon Siciid Ciise iyo cilmi baare Fowziya Cabdulqaadir ayaa isu taagtay hirgelinta rugtaas waxayna mar kale iyo sanadkan 2017  ku qabteen xarunta Jaamacadda PSU ee garoowe munaasabad daba socota munaasabadii sanadkii hore ee 2016 ay rugtu ku qabatay isla jaamacadda PSU ee Garoowe.

Munaasabaddan oo soconaysay mudo laba maalmood ah waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada, xubnaha beesha caalamka, ururada haweenka iyo kuwa dhallinyarada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay dhacdooyin dhowr ah oo tilmaamayay dhibaatada iyo tiiraanyada laga dhaxlo tacadiyada iyo caddaalad xumada, waxaana dadkii kasoo qayb galay munaasabadda loo qaybiyay kooxo kala duwan si ay uga doodaan aragtiyo kala duwana uga dhiibtaan waxyaalaha ay la kulmeen oo tiiraanyo iyo caddaalad xumo ah iyo sida wax looga qaban karo.

Qorshaha Rugta Tiiraanyo Bixinta iyo Caddaaladda oo ah mid qota dheer waxa uu abbaarayaa in bulshada laga daweeyo tiiraanyada ay qabaan isla markaana la kobciyo oo kor loo qaado in si Caddaaladd ah bulshada Soomaaliyeed loogu adeego.

                                
Puntlandes.com

About The Author