Sawirro: Wasiirka cusub ee Dastuurka Puntland oo si ballaarn loogu soo dhaweeyey Garowe
09 Aug 2017 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee Dastuurka, Arrimaha Fadaralka iyo dimuqraadiyada ee dowladda Puntland Cabdifitaax Saciid Caynab ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa markii la magacaabay.
Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha ee Kanoko waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Soo dhowaynta kadib wasiirka oo la hadlay saxaafadda ayaa ka mahad celiyay sida balaaran ee loogu soo dhoweeyay Garowe, wuxuuna sheegay inuu aqbalay xilkii loo magacaabay isla markaana uu la wareegi doono masuuliyaddiisa marka uu Baarlamaanku ansixiyo.
Daawo sawirrada
Puntlandes.com