BARLAMANKA PUNTLAND OO ANSIXIYEY XUKUUMADDII CUSBAYD EE UU MADAXWEYNE DR GAAS SOO MAGACAABAY

10 Aug 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms

Madaxweyne Gaas oo kullanka kasoo qayb galay ayaa ka codsaday xildhibaanada in duuduub lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.

Cod la geliyey ayas Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacan taag ah ayaa loo qaaday Xasaanad siinta Golaha cusub.

61 xildhibaan ayaa codsiiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64xildhibaan.

Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Golaha wasiirada.

Puntlandes.com

About The Author