Maqaal: Maxaa Keenay In Soomaaliya Burbursanaato Rubuc Qarni (25 sano)
Maqaalkaan Kooban waxaan ku eegi doonnaa Sababaha Umadda Soomaaliyeed Ay 25 sano Dawlad la’aanta la ahayd ayadoo oo aan Og nahay inay jiraan dawlado Burburay oo haddana Kabtay Muddo yarna waddankoodii kusoo ceshay Nidaam iyo kala dambayn Soomaaliyana Loo soo celin waayey Muddo aad u dheerna ay Qaadatay.
Ummadda Soomaaliyeed oo ka mida Umadaha Ugu Badan Africa isla marka ahaantaasna ku dhaqan Bariga Qaaradda Africa tan iyo intii ay Soo Wajahday Qaranjabkii 1991-dii Ee sababay Colaadaha Sokeeeye ee ka dhasheen Dagaallo Xooggan oo u dhaxeeyey Umadda Walaalaha ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka dhaxleen Dhibaatooyin badan oo aan Qoraalkaan lagu Soo Koobi Karin Waxaase laga Xasuustaa Qodobadii ugu Saamaynta Cuslaa oo ay ka Mid ahaayeen :
- Dagaal Sokeeye
- Barakac Baahsan
- Qaxooti aan Xaduud lahayn
- Macaluul ,Abaar, Gaajo iyo Saboolnimo Xooggan
- Tahriib iyo Quursi Madax furasho
- Burcad Badeednimo
- Argagixisonimo wali taagan
- Dhac iyo Boob loo gaystay Hantidi Umadda Soomaaliyeed
- Sumayn Xad dhaafa oo la sumeeyey Xeebihii Dalka
- Ubad Soomaaliyeed Oo ka buuxsamay Xabsiyada Caalamka
Dhammaan Qodobaddaas iyo kuwo kale oo Murugo Miiran ahaa oo soo maray Maalmihii Madoobaa ee Nolosha Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay keeneen inaan Noqonno Dadka Adduunka ugu liita isla mar ahaantaasna Dhammaantood Nugul ah una Nugul Wax walba oo lagu Sameeyo Waxaana ka dhalatay Dayac Fara badan oo dhan walba leh kaasoo sababay in ummada Soomaaliyeed Loogu Yeero Magacyo aan Munaasab ku ahayn Maqaadiirta alle iyo Waayaha is baddalaya Waxaana ka Mid ah:
- Agoonta Adduunka
- Qaxootiga Bilaa Xaduudka ah
- Dhibbanaha Caalamka
Dhibbaatooyinkaas Dhaammaantood Ummadda Soomaaliyeed Badidood waxaa ay isku dayeen inay ka Galgashaan laakiin Maqaadiirta iyo Cadowgooda oo Badan ayaa keenay inay Amuurahaani ka tan bataan Tabarta Ummadda Soomaaliyeed ayada oo ay Gaartey in Adduunka Dawlada Ugu Tunka Weyn ay ku hanjabeen in Soomaalidu hadday Tashan Weydo loo talin Doono taasoo Macnaheedu Tahay in lagu kala Dari Doono Labada Waddan ee Dariska la ah ayadoo ay jireen Siyaasiyiin Kabaqaad u ahaa Labadaas Dawladood oo had iyo Jeer ku Qancin jirey Jamaciyadda Quruumaha Ka dhaxaysa in Soomaalidu tahay Aysan is maamuli Karin isla markaas Dawlad la’aantoodu ay khatar ku tahay Aminiga Gobolka iyo Kan Caalamkaba ayna tahay in Loo ogolaado inay ka wareegaan waddankaan.
Dadaallo Badan oo laga Qoray Buugaag Caanka ah Caalamka ayaa had iyo jeer Fashilmayey ayadoo ay fashilanyeen Dawlado Islaam ah iyo kuwa Gobolka oo aan ayaga Qaarkood Soomaalida Danteeda Eegaynin ee eeganayey Danahooda Gaarka ah ee ay ku difaacanayaan Maqaamkooda ay Caalamka ku leeyihiin ayaga oo Abuurayey Kooxo Had iyo Jeer Liddi ku ahaa Maamulada Dawladda Iyo Qorshaha dawladaha Dariskaa ay ka leeyihiin Soomaaliya ayadoo macaal Kooxahaasi ay Carqalad ku ahaayeen Horumarrada Waddamadaasi ka wadaan Gudaha waddankooda.
Haddaba Su’aasha Is weydiinta Mudani waxaa ay tahay Sababta Soomaaliya Dawlad la’aanta u ahayd Muddo 25 sano ah?
Jawaabta weydiintaasi waxaa lagu Soo koobi karaa saddex Qodob ayaa sababay in Soomaaliya Ay Noqoto Dawlad La’aan Muddadaas 25 sanadood ah waxaa sababay saddex Qodob oo is Biirsadey kuwaasoo kala ah :
- Hoggaan Xumo
- Jahli
- Saboolnimo
Saddexdaas Qodob Ee kor ku xusani waxaa ay sababeen in Soomaalidu ay muddada intaas le’eg ay Burbursanaato , haddaba haddii aannu faahfaahin dheeriya ka bixino sababta saddexdaasi aannu u sababsanay dartoodna aannu Majaraha Caalamka Ugaga Harno waxaan dhihi karnaa :
- Hoggaan Xumo
Aannu ku biloowno Muritida iyo dhaqanka Soomaaliyeed marka Hore waxay hoggaanka ka yiraadeen , Maahmaah Soomaaliyeed baa waxay ahayd “ Qoyskii Hooyo xun iyo umaddii Hoggaan Xumi midna ma Hano Qaadaan “.
Hoggaanku waa Qofka Gacanta ku Haya masiirka umadda isla markaana ka fakara sidii uu Is baddal dhinac walbaa ugu samayn lahaa Wanaagsanaanta Hoggaankuna uu yahay Wanaagsanaanta Ummadda oo hadba sida Hoggaanku yahay ayaa Ummaduna Noqonaysaa , haddii Hoggaanku yahay Mid Tuuga , dhaca hantida shacabka oo aan Jeebkiisa iyo Jeebka shacabka kala Aqoon dhammaan umaddu waxay Noqonaysaa kuwo is dhaca oo ku xisaab tama inay Wax xadaan taasina waa tan sababtay in Soomaaliya noqoto waddanka Kaalinta 1aad Ka galay Masuqmaasuqa Adduunka.
Haddaba Ummadda Soomaaliyeed miyeey ku guul darraysatay inay is maamulaan ?
Su’aashaas Waxaa ka jawaabay Mudane Aqoon yahan sare Digtoore Saaddiq Eenoow waxaa uuna yiri “ Ummadda Soomaaliyeed kuma aysan guul darraysan inay Is Maamulaan laakiin Waxaa ku guul darraystay inay wax maamulaan waa Horjoogayaashii Madaxda Sheeganayey “.
Jawaabta Kor ku xusan waxaa kaaga Soo baxaya in Umaddu ahayd kuwo had iyo jeer raalli ka ahaa in la hoggaamiyo una Diyaar ahaa balse aanan Helin Waddani u fakara kana fakara Masiirka Ummadda Soomaaliyeed waxaana Umadda Marin habaabiyey Siyaasi ee Ma ahayn Waddani.
Waa maxay Farqiga u dhaxeeya Siyaasi iyo Waddani ?
Aqoon yahan aanan Magaciisa xasuusnayn ayaa waxaa uu ka jawaabay Su’aashaan Waxaa uuna uga Jawaabay “ Siyaasigu waa kan had iyo jeer ka Fakara Doorashooyinka Soo socda Waqtigiisana Galiya Sidii uu Usoo Noqon lahaa Waddaniguna Waa kan Ka fakara Masiirka Ummadda waqtigiisana Gasha Sidii uu Umadiisa Nolosha Guul ugaga Gaarsiin lahaa “
Markii aad u dhuuxdo Jawaabaha laga Bixiyey Su’aalahaas kore waxaa kuusoo baxaysa in Carqaladda Koowaad ee Waddankeenna haysatay ay ahayd Hoggaan Xumi keentay in dadku uusan wax is baddal ah ka gaarin Nolosha Iyo Nidaamka iyo kala Dambaynta isla markaasna umadda muddadaas ay ku taami waydo wax dawladnimo ah Iftiin walba oo Soo Bidhaamana uu Siyaasi Dib u socod ah oo haddana Iiimaan Yoog ahi Baqtiiyo.
Noloshu haatan oo lagu jiro 2017 way ka duwan Noloshii sanadiihii ka horeeyey Rajada umaadu Qabtana Waa ka Baaxad weyn tahay Rajadii laga Qabay Dawlad nimadii Dalka waxaana Dalka iyo dadkaba u kacay Hanaddo Hadafkoodu yahay Is baddal dhab ah oo dhinacyo kala duwan inay Gaarsiiyaan Waddankooda iyo Umaddooda Gutaanna Ammaanada Umadda iyo Tan Qaranka.
- Jahli
Sida aannu Ogsoonahay JAHLIGU waa cadowga koowaad ee Aadanaha isla markaasna Keena in Nolosha Aadanuhu ay Ahaato mid aan lahayn Horumar iyo Is baddal nololeed ugana Gudbi lahaayeen Saboolnimada dib u dhigaya Noloshooda keenayana inaysan waxba iska badalin Noloshii Jiilashii ka horreeyey.
Jahligu waa ka keenay in umado badani ay caasiyaan Eebbahii Abuuray isla markaasna abaal loogan dhigo in lagu Harqiyo Biyo ama dabayl loo soo diro ama Qaylo lagu Rogo oo ay baaba’aan ayaga oo aysan jirin Cid ka fakatay Ciqaabka alle ka dib markii ay beeniyeen Ergadii eebbe weyne Usoo Direy iyo Jiritaanka Awoodda Eebbe weyne.
Aadanuhu Horumar ayuu ka sameeyey Dhinacyadaas waxaana uu Ka gaaray Guulo dhanka Tacliinta iyo Koritaanka Maanka iyo Maskaxda Iyo Hab Fakarka. Bulshada Waxaana uu Maanta Marayaa Halkii ugu Dambaysay ee uu dhanka Tacliinta Maadigaa balse ay jiran Wali Bulshooyin badan oo Balaayiin ah oo Wali JAHLI ah Sida inaysan Ogayn Masiirkooda Aakhiro oo ay manta Le’enayaan Diin la’aan Hoy gooduna yahay Naar iyo meel alle xaalkeeda og yahay.
Haddaba Garasho la’aanta Iyo Yaraanshaha Fakarka ummada Soomaaliyeed ayaa keenay Qayb weynna ka ahaa in Dalku uu Nidaam la’aan ahaado Muddadaas gaaraysa Rubuc Qarniga sidaas awgeedna waddankooda laga tabiyo Maalin walba Warar aan Ahayn Kuwo wanaagsan.
Jahliga oo dhinac walba inaga Galay ayaa keenay in bulshadu ay u kala Qoqobnaato Dhawr siyaasi oo koox walba Gaar wax ugu sheegay isla markaas kooxda kale ka aaminsiiya Inay ayaga Cadow u yihiin sidaas awgeedna ay Halgan la galaan ayaga oo ubad Soomaaliyeed inta La hubeeyey Cadaw la iskaga dhigay kaaga darane Mid walba lagu soo Qufuley Inuu Jihaad ku jiro Taasina waxay caddayn u tahay In Jahligu uu Qayb libaax leh ka qaatay Qaran jabkii Ummadda Soomaaliyeed.
- Saboolnimo
Ayadoo Ummadda Soomaaliyeed ay Nolosha Halgan adag u galeen Muddadii Dawladii Kacaanka iyo Dawladihii Rayidka ahaa Ee waddanka Soo maray ayaa Saboolnimadu yaraatay ayadoo aysan u yaraan sidii loo baahnaa Balse ummaddu Markaas Waxay ahaayeen kuwo isku filan oo ayagu Qoondaysta Dhaqaalahooda yar ee Soo gala isla mar ahaantaasna Si hufan Bulshada Loogu adeegeyey.
Muddaadaas dalku uu dawladaha lahaa waxaa Maalinba maalinta ka dambaysa Soo koreyey Maalgashiga ayadoo sidaas si la mida Ay kordhaysay Dhakhliga Soo gala Dadka sidoo kala ay Shaqa la’aantu Hoos u sii dhacaysay ayadoo La xasuusto Markii Qaranjabku dhacayey in Waddanku uu lahaa in ka badan 20(Labaatan) Warshadood oo ay Bulshadu ka maarantay in waddanku uu Bucshuradaha Nolosha Kasoo waarito Waddamo kaleeto.
Ka dib Qaran jabkii Ummadda Soomaaliyeed Waxaa meesha ka baxay dhammaan ilihii dhaqaalaha ee waddanku ku tiirsanaa ayadoo dadku isugu biyo shubteen Sabool xooggan Qof walbaana Halgan u galay Sidii uu Naftiisa u maarayn lahaa sidaasna ay ku timid Dhac , boob iyo bililiqo Hantiyeed ayadoo wax walba la bililiqaytay xataa waxaa la xasuustaa in Alaabtii Xafiisyada Dawladda aan Qalinna laga tagin Oo Qof qaatey asaga markaas is leh waxaa laga yaabaa inaad shaygaan u baxsato oo ad ku caymato in leen Cayri caymo ma diiddee taasina waa Tilmaan Caddayn u ah in Saboolnimadu ayaduna keentay Colaad daba dheeraatay.
Dadku Waxay isugu Wada shubteen Dad aan waxba haysan oo Qaarna Barakacay Qaarna Qaxay oo isku dhiibay Wakiillada Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka dib loo Xareeyey Qaxooti ahaan Qaybina ku kala Biirtay Jabhadihii Shuhftada ahaa ee Dalka cagaha u siibay Ayada oo u dagaalamayey Jabhadaasi, lamana Garanyn Waxa ay u dagaalamayeen Mana jirin Hal jabhad oo Lahayd Mawqif Cad oo ku saabsan Dagaalkeeda ka dib haddiii waddanka Qabato sida ay wax u maaraynayso mid walbaa waxaa ay u ordayeen Inay mar ku fariistaan Kurisgii uu ku fadhiyey Alle ha u naxarisitee Jaalle Mudane Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre si mar loo dhaho Madaxweyne iyo wax la mida.
Jaahilnimadu waa tan keentay in la waayoWax jabhad ah oo Lahaa Qof Qoran o Cadda isla markaasna Loo waayey Jabhad Jabahad kale Kala Xaajoota Xaalka waddanka ay Galiyeen Mid walbaa waxaa uu isu aystay innuu ahaa Mujaahid Ummaddiisa Difaacayey Balse waxaa ay Ahaayeen MUJAAHIL aan ka shaqaynayn Masiirka Ubadkiisa waxaana uu khasbay in ubadkiisu Qaxooti Caalamka ka Noqdaan isla markaasna Mustaqbal Xumo ku dhacdo ama Lagaba kaxaysto inta lagu soo eedeeyo inuu ku xad gudbay Ubadkiisa Xuquuqdoodii.
Farriin
Waxaan Farriin u dirayaa Dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed Meel walba oo ay adduunka ka joogaan farriintaas oo ah in Dalkoodu yahay Dhibbane Daallan haatan uu Yahay Dhaawac Soo Naaxay una Baahan Baxnaanin Iyo Dhiyitaan iyo taban taabin ilaalini ku dheehan tahay Waxaana uu sugayaa Waa dhallinyarada Soomaaliyeed Meel walba oo ay Joogaan Sidaas awgeed Baxnaaninta Waddankennu Kusoo kabanayo waa in aannu Garab istaagnaa isla markaasna aannu ka indha saabannaa wax walba oo Xumaana oo Dhaawici kara Qaranamida Curdanka Ah iyo Rajada Hooyooyinka Daallan ee 25 sano la dhibbanayd Korinteenna.
Dhallinyaro waxaan ka harnay Asaageen Muddo 25 sano , waxaana ka buuxnaa Xabsiyada Caalamka , Waxaannu Ku baaba’nay Xeebaha , Waxaa la inoo haystaa Madaxfurasho , waxaan Doomo ku dhex umulay Gabdhiheennii ayagoo ka cararaya Dhibaatadena ,waxaa la inaga dhigay Rasaas Colaadeed , waxaan Noqonay Dhinbilaha Calankeennu Eersaday , waxaa naloo adeegsadey Hub ahaan Oo Qaybteen ayaa Qaraxyo lagu Xirey , Waxaa la inoo Yaqaannaa Agoonta Caalamka , waxaan nahay Kuwo aan Dunida Sumcad ku lahayn , waxaan nahay Kuwo aan lahayn Marjac , waxaan nahay Kuwo Saboolnimo la il daran dhammaan Waxaasoo dhan waxaa noo Hor seeday Waa Aabbayaasheen oo aan Nagu Simin Wixii Awoowayaasheen Ku Simeen oo waxaa ay ina Badeen Mustaqbal Xumo ,waxaannu uga Soo kaban karnaa Muddo kooban haddaan Qaadano Doorkeenna Nabadda iyo Nolosha.
Maaddaama Aan anagu La kulanay Dhibaato Culus Oo aad u daran aannu Ubadkeenna u Xaaqno Dhabbo ka duwan middii aannu ku mutaysanay Dhammaan Dhibaatooyinkaas kor ku Xusan aannu Colaadda Joojinno aannu Diirka ka Heshiinno aan Odayaaasha Nabad diidka ah Hadalladooda Jiirno Cidii naga Hor timaadan Aaannu Daadka Raacsiino Aanu Garab Istaagno Geesiyaasha Inoo Kacay ee Alle Maqaadasyaashawaa waa Jaalle Mudane Madaxweyne Maxamed C/aahi Farmaajo iyo Jaalle Alle Ma qaade Xasan Cali Khayre Si ay Noogu Simaan Mustaqbal Aaannu Ubadkeennu ku sinno.
HILIBKIISII BUU CUNAY NIN HAGRADAY DHULKIISEE
HABAR HABAR LA SHEEGTIYO HAYB HAYB MA JOOGTEE
HANKAAGU HA DHAAFO REER HEBAL
W/Q:C/laahi carays Max’ed Gurey Email: Carays1960@gmail.com
Tell: +252907-355494 E.Level: Bachelor of Economics Face book: Abdulaahi Carays Mohamed Gurey
|