Daawo Video-Sawiro: Gobolka Mudug Isbedel buu u baahan yahay ee Nal uma baahna

Dawlada uu hogaamiyo Dr Gaas ee Isbedel baan samaynaynaa iyo Cadaalad baan keenaynaa lagu doortay jan 2014 ayaan haba yaraatee wax isbedel ah oo uu baahi wayn u qabay Gobolka Mudug aan soo gaarsiin. Cadaaladna warkeedba daa!!!!

Markii uu Dr Gaas ku Guulaystay madaxtinimada Puntland waxay shacabka Gobolka Mudug ku soo dhaweeyeen farxad aan la koobi karin iyo caleema qoyan laakiin xaal ma noqon sidii ay filayeen oo ahayd Isbedel iyo Cadaalad ee wuxuu noqday ”Dhado Roob noqon wayday” maxaa yeelay Isbaaroolaydii Quransatay ama ku habasatay Gobolka Mudug iyo xarutiisa Gaalkacyo ayaaba wali iska cuna.

Hada Istiraatiijiyadooda waxaa weeye in la mashquuliyo shacabka Gobolka Mudug iyagoo taas ka duulaya ayey maanta Tv ga afka somaliaga ku baxa ayey ka soo daayeen magaalada Gaalkacyo oo dhawr nal lagu xiray iyagoo ku doodaya bal arka horumarka aanu samayanay.

Ha ogaado madaxweyne Dr cabdiwali Maxamed Cali Gaas in aysan taako ka ahayn waxa shacab Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo ka sugayaan oo ah:

  1. In uu dhaci Isbedel run ah oo ku salaysan cadaalad
  2. In la abaabulo dadka walaalaha ah ee Tashhushka la kala dhexdhigay si dhawr qof u haystaan ilaha dhaqaalaha ee Gobolka.
  3. In dawladu hormuud u noqoto ku hogaamiso Shacabka in ay Gobolkooda Horumarsadaan iskuna Tashataan.

 

Waxaa dad waxgarad iyo aqoonyahano ah aaminsan yihiin in ay aad iyo aad ugu fududahay Dr Gaas Hadduu damco in uu hirgaliyo sadexda qodob ee kor ku xusan, laakiin su’aasha la iswaydiinayaa waa ma rabaa in ay taariikhda u gasho hogaamiyihii Madug Horumarka u horseeday?

FG

Waxaa soo dhawayn mudan waxkasta oo laqabto waana soo dhawaynaynaa hadaanu nahay bahda Puntlandes.com.

Waxaan kaloo ogaysiinaynaa ama u sheegaynaa Akhristayaashayada in Puntland oo dhan Horumar dawlad wanaag iyo barwaaqo aanu la rabno laakiin aanu dooranay in aanu Gobolba mar diirada u saarno aan ka bilownay Gobolka Mudug.

Daawo Vidie gan iyo Gaalkacyo

Daawo sawiro
870

871

872

873

874

875

876
Puntlandes.com

 

About The Author