Mukhtaar Roobow oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya gaarayna Xudur, loona qaadayo Muqdisho
13 Aug 2017 (Puntlandes) Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa isku dhiibay maamulka Koofur galbeed iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib wada hadalo saacadihii la soo dhaafay ka socday deegaanka uu ku sugnaa ee Gobolka Bakool.
Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa Alshabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur uu ku dhex marayay deegaanka Abal iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay inuu iska difaacay weerarkaas.
Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed.
Abuu Mansuur ayaa waxaa saaka deegaanka Abal oo uu muddo ku noolaa ka soo galbiyay Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60aad, kaddib markii ay maalin ka hor ugu gurmadeen deegaankii uu ku sugnaa.
Mukhtaar Roobow ayaa ka falaagoobay Alshabaab, tan iyo sanadkii 2013, markii uu soo baxay khilaafka ka dhex bilowday Saraakiil uu ka mid ahaa iyo Amiirka Alshabaab, waxaana khilaafkaas uu sababay in xubno ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday Axmed Godane la dilo, halka qaar kale uu isaga ku jiray ay ka baxsadeen.
Waxaa uu markii dambe degay deegaanka Abal oo uu ku dhashay, Alshabaab ayaa wadaadka culeys soo saaray tan iyo wixii ka dambeeyay markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada, waxaana ay ciidamo badan dul dhigtay aagga uu ku sugnaa, si aanu uga tagin, waxaana Al-Shabaab ka dalbadeen inuu isku soo dhiibo, balse waa uu ku gacan seyray.
Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Alshabaab ay weerareen deegaanka uu ku sugnaa Mukhtaar Roobow, si ay u dilaan ama nolol ugu soo qabtaan, hase ahaatee Maleeshiyadii taabacsaneyd ayaa iska difaacay dhowr jeer oo ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Abal iyo nawaaxigiisa.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa gurmad ciidan u fidiyay wadaadka, si looga bad baadiyo weerarada Alshabaab, waxaana wada hadalo ay ka qeyb qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed lagu guuleystay inuu aqbalo in loo qaado Xudur.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu caansanaa Alshabaab 10-kii sano ee u dambeeyay ee Kooxda isku fidineysay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa uu soo noqday Afhayeenka Guud ee Xarakada, sidoo kale waxaa la sheegaa in mar uu noqday Kuxigeenka Amiirka Al-Shabaab, waxaa ay sanadkii 2013 is khilaafeen Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane.
Puntlandes.com