Wasiiro badan oo ka tirsan Hirshabeelle oo is casilay si ay xilka uga tuuraan Madaxweyne Cosoble
13 Aug 2017 (Puntlandes) Wararka ka imaanya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 13 Wasiiro oo isugu jira Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno ay goor dhow iska casileen xilkooda, si ay ugu biiran Mooshin xilka looga tuurayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyadoo uu sii xoogeystay ololaha ka dhan ah.
Shir jaraa’id oo Wasiirada ay ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayey ku sheegeen inay isku casileen waxqabad la’aanta Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.
Wasiirada is casilay ayaa qaarkood ka mid yihiin xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxayna ku biireen ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah.
Mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa goor dhow lagu wadaa in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayana inay saxiixeen illaa lixdameeyo Xildhibaan.
Guuxa maalmahan ka soo baxayay Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen inuu dhaco is bedel, isla markaana Hirshabeelle ay xilligan uu u baahan yahay badbaado, waxaana Madaxweynaha ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan uu waqtigiisa ugu badana ku qaatay magaalada Muqdisho.
Puntlandes.com