Baarlamaanka Hirshabeelle oo kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble
14 Aug 2017 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle inay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.
Cod ay u qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabeele ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen 6 xildhibaan diideen halka 2 ay ka soo amuuseen, waxaana fadhiga soo xaadiray 76 xildhibaan.
Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa xilka hayey 10 bilood, isagoo lagu xasuusan doono waxqabad la’aan.
Puntlandes.com