Cali Cosoble oo ku adkaysanaya inuu wali yahay Madaxweynaha Hirshabeele iyadoo xil ka qaadistii lagu sameeyay
15 Aug 2017 (Puntlandes) Cali C/abdulaahi Cosoble oo ay shalay xildhibaanada Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa ka soo horjeestay talaabadaas, isagoo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hirshabeelle.
Cosoble ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay uu yahay sharci darro isla markaana uu dhowaan qabanayo shirka golaha wasiirada dowlada.
“Mooshin la saxiixay la ima siin,labo maalmood in lagu mooshin lagu gudbiyo laguna saxiixo,lixdan iyo lix xildhibaana ma aysan codeyn oo waa been abuur.”ayuu yiri Cali Cosoble
Dhanka kale waxaa uu sheegay in mooshinka waxba kama jiraanka ah ay ka dambeeyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee hirshabelle Canab Axmed Ciise oo dooneysa in tuulada Jawiil ay degmo noqoto iyo dowlada federalka oo uu ka soo horjeestay mowqifkeeda ku aadan taageerida dowlada Qadar.
Puntlandes.com