Dhagayso-War saxaafadeedka: Mukhtaar Roobow oo sheegay inuu isaga baxay Alshabaab (Sawirro)
15 Aug 2017 (Puntlandes) Sheekh Mukhtaar Roobwo Cali Abuu Mansuur oo dowladda Soomaaliya u soo bandhigtay Warbaahinta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isaga baxay Alshabaab.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka Royal Palace (EX City Palace), ayaa sheegay in Alshabaab uu ka baxay muddo 5 sano iyo todobo bilood, sababta uu uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf.
Waxaa uu uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha caalamka, kaalintii ay ku lahaayeen in heerkan wax soo gaaraan
Dhanka kale waxaa uu sheegay in wada hadal u socdo dowladda Federaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu marti ugu yahay magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ka mahadceliyay sida dowladda iyo madaxdeeda ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay inuu rajo ka qabo sidii nabad loogu gogol xaari lahaa.
Mukhtaar Roobow ayaa waxaa dhinaciisa surnaa Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana la xusuustaa xilligii uu ka tirsanaa Alshabaab in dhinaciisa ka baban jiray Calanka madow.
Mukhtaar Roobow ayaa xilli soo noqday Afhayeenka Guud ee Xarakada Alshabaab, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu mar ka mid noqday Amiir kuxigeenka Al-Shabaab
Dhagayso warbixin ku saabsan Roobow shirkiisa jaraa’id