War deg dega ah: Isku dhexyaac ka socda Baarlamaanka DFS dhexdiisa iminka

Wararka ay Puntlandes.com ka heleyso Xarunta Baarlamaanka DFS ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw Garab ka mid ah Garabyada uu  Baarlamaanka u qaybsamay gaar ahaan Garanka difaacaya Sharcigii ummaddu ku heshiisay ay la wareegeen Warqada saxiixa Xaadiriska Xildhibaanada Baarlamaanka iyagoo diidan Mooshinka aan Sharciga ku dhisnayn ee madaxtooyadu gadaal ka riixayso.

Inta badan Labada garab oo uu  Baarlaaanka u qaybsamay ayaa gudaha u galay xarunta Baarlamaanka , waxaana hada la soo sheegayaa in buuq iyo sawaxan ka socdo.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wali soo xaadirin kulanka , waxaana laga warsugayaa marka ay yimaadaan waxa dhici kara, waxaana hada kulanka Baaralmaanka uu yahay mid aan furmin oo laga cabsi qabo in ay gacan ka hadal gaarto xaalku.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayet Qorsheeyeen Xasan Culusoow iyo Jawaari in ay qaybiyaan Mooshinkii sharcidarada ahaa ee la doonayey in lagu bur buriyo dawlada uu hogaamiyo Raysul wasaare  Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author