Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Masar
20 Aug 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha.
“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmidoonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano, wasiiro oo ay kamidka yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, Ayuu yiri Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya
Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo kunool magaalada Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha uu ugu ambabaxay Masar ayaa yimid kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa dalkaasi.
Puntlandes.com