Sawiro: Xildhibaanada mooshinka Sharcidarada ah diidan oo boorar la yimid Xarunta Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Xukuumada ayaa mar kale la soo galay xarunta Baarlamanka Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan, iyadoo laga cabsi qabo inuu buuq hareeyo kulanka Baarlamaanka.

Inkastoo aanu wali furmin kulanka, hadana Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku sugan xarunta Golaha shacabka, waxaana ugu badnaa fadhiga xaadir ah Xildhibaano fara badan oo gaaraya ku dhowaad labo boqol.

Wariyeyaal ku sugan xarunta Golaha shacabka ayaa soo sheegaya in xaaladu ay degan tahay, hase ahaatee ay wax walba dhici karaan, iyadoo waqtiga uu sii socdo.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa wali si rasmi ah u furin, iyadoo xildhibaanada ay goor sii horeysay is diiwaan geliyeen, gaar ahana buuga xaadirka ee kooramka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, hase yeeshe Gudoonka Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inuu maareeyo fadhiga Baarlamaanka, hadii uu buuq bilowdo.

Daawo sawirada

1

2

3

4

5

 

Puntlandes.com 

About The Author