Daawo Video: Beeldaajiye Ismail oo gudiga dib u dhiska Isbitaalka Degmada Caluula ku wareejiyey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa
20 Aug 2017 (Puntlandes) Waxaa xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ka dhacday, 18kii aug 2017, munaasabad ballaaran oo Ururka Raascasayr Kulmiye uu ku wareejiyey lacag cadadkeedu ahaa 45,498 dollar oo ay ugu talo galeen in lagu dayactiro Isbitaalka degmada Caluula.
Munaasabadda oo ka dhacday Hotel Gaacayte ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddi ka socday Ururka Raascasayr Kulmiye, maamulka Gobolka, kan magaalad, Beeldaajiye Ismaaciil Beeldaajiye Yaasiin iyo marti sharaf kale duwan oo ka socday bulshada qaybaheeda.
Masuuliyiintii iyo dhamaan dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa u mahadceliyey Ururka Raascasayr Kulmiye, waxayna ku amaaneen sida uu ugu heelan yahay ka shaqaynta horumarinta bulshada iyo deegaanka.
Ururka ayaa waxay dhaqaalihii loogu talo galay dib u dhiska Isbibitaalka ku wareejiyeen Beeldaajiye Ismaaciil Beeldaajiye Yaasiin oo tiir dhexaad u ah ka shaqaynta horumarinta.
Beeldaajiye Ismaaciil ayaa ku dheeraaday amaanida ururka, isagoo alla huga baryey inuu khayr ugu bedelo wanaaga ay dadkooda u hayaan.
Ugu dambayntii Beeldaajiye Ismaaciil ayaa gudiga dib u dhiska Isbitaalka Degmada Caluula ku wareejiyey dhaqaalihii loogu talo galay dib u dhiska.
Munaasabadda ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, shacabka reer Puntland ayaa meel kasta oo ay joogaan waxay ku shaqeeyaan halhayskii caanka noqday ee ahaa ”Puntland ha isku tashayto” iyagoo u istaagay sidii ay uga shaqayn lagaayeen horumarinta dalkooda.
Daawo muuqaal
Puntlandes.com