Daawo Sawirrada & Horumarka ka socda Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

21 Aug 2017 (Puntlandes) Magaaladu Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxay ka kooban tahay labo xaafadood oo lakala yiraahdo Daawad iyo Baday, Daawad waxaa ku yaal daar uu daganaan jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka samaysan dhoobo iyo Caano geel oo la dhaho (Daawad), Baday waxay iyana ku taalaa badda.

Magaalada waxay dadka ku nool noloshoodu ku xiran tahay Beeraha, Bada iyo xoolaha nool , waxaana ku yaal beero waaweyn.

Xarumaha dowladda iyo Ha’yaduhu waxay u badan yihiin Xaafada Daawad oo meel sare oo qar ah ku taal, degmadu waxay leedahay Saldhig, Isbitaal iyo xarumo waxbarasho oo dhowra .

Dadka reer Eyl waxay hadda si xowliya u cabirtan dhulka, waxaana taaskeenay magaalada waxaa ka socda wado laami ah oo lagu dhisayo Mashruuca JBLG ee hormarinta degmooyinka, waxay wadaddu isku xiri doonta labada xaafadood ee degmadu ka kooban tahay.

Daawo Sawirrada

Puntlandes.com

 

About The Author