War deg dega BUUQ-QAYLO isqabsaday Xurunta Baarlamaanka

Wararka ay Puntlandes.com ka heleyso Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu durba foodo iyo buuq uu ka bilowday Kulanka ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin Xarunta Golaha Shacabka.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya markii uu soo galay xarunta Golaha Shacabka ayaa la sheegay in Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka laga gudbiyya R/Wasaaraha ay bilaabeen in ay istgaan sidoo kale ay ku luqeeyaan Heesta ‘’ Soomaaliyeey Toosoo’’.

Kulanka ayaa durba isku badalay foodo iyo Buuq, Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka oo wata Boorar ay qoraalo kala duwan ku qoran yihiin ayaa bilaabay in ay buuqaan ayna ku luqeeyaan heeso wadani ah.

Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay buuqa joojiyaan ayna fadhiistaan inkastoo ay Xildhibaanada aysan hadalka Gudoomiyah dhag jalaq usiin walina ay yihiin kuwa taagan oo heesaya.


Prof Jawaari oo ku guuldareestay in uu aamusiyo Xildhibaanada uuna kulnaka bilowdo ayaa isaga oo caro xoogan wajigiisa ka muuqato waxa uu ka kacay Kursigii uu ku fadhiyay, lamana oga go’aanka uu qaadan doono Gudoonka Baarlamaanka.


Waxii Warar ah ee ku soo kordha Kala Soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author