Xaruntii Golaha Wakiilada Somaliland oo Saaka Ciidamo badan lasoo Dhoobay kadib markii Baashe Maxamed uu Xalay Ku Gacan Sayray ergadii 3aad

23 Aug 2017 (Puntlandes) Xarunta Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka lasoo dhoobay ciidamo fara badan oo oo cusub markii khilaafka Golaha wakiiladu uu gaaray meeshii ugu saraysay.

24a1

Ciidamadan ayaan saaka cidnaba ogolaanayn inay gudaha u galaan xarunta golaha,marka laga reebo xildhibaanada labada gole oo la baarayay.

Khilaafkan ayaa ka dhashay doorashadii ka dhacday golaha 6dii Aug. 2017, xildhibaano 39 ah ay sheegeen inay u codeeyeen inuu gudoomiye noqdo Cabdiraxmaan Talyanle halka lagu dhawaaqay inuu 39 cod ku guulaystay Baashe Maxamed Faarax oo iminka lagu muransan yahay gudoomiyenimadiisa.

Xildhibaano xalay saxaafadda la hadlay aya si adag u hadlay waxayna ku hanjabeen in uu Baashe Maxamed Faarax ka masuul yahay waxii saaka golaha ka dhaca oo loo ballansan yahay inuu saaka furmo lana doorto xildhibaanka buuxinaya jagada uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha.

Wararka laga helayo Golaha ayaa sheegaya In xalay uu Baashe Maxamed Faarax uu diiday kuna gacan sayray ergadii sadexaad ee ugu tagta dhex-dhexaadin laga sameeyo golaha khilaafkoodu cirka isku shareeray, waxayna ahayd ergadan xalay u tagtay xildhibaano Guurtida ka tirsan wuxuuna ku war geliyey in ay faraha ka baxaan arrinkan oo ku sheegay inuu golaha u gaar yahay.

Puntlandes.com

About The Author