Jen. Cirfiid oo sheegay in Mas’uuliyiin ay si qaldan uga hadleen howl galkii Bariire

Taliyaha Ciidamada xoogga DFS Jen. Axmed Maxamed Jicmaale (Cirfiid) ayaa sheegay in howl gal ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykan ah oo shalay ka dhacay deegaanka Bariire lagu dilay dad rayid ah, isagoo ku dhaliilay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda in war qaldan oo horu dhaca ah ay sheegeen.

27c7a

Jen. Cirfiid ayaa beeniyay war ka soo baxay Mas’uuliyiinta dowladda oo ahaa in howl galkaas lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaa uu tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen dad rayid ah oo ay ku jireen carruur iyo dad waayeelo ah.

“Aniga xaq u leh inaan ka hadlo xaqiiqdeedana og, ugana xog ogaalsan, laakiin rag mas’uuliyiin ah ayaa warar horudhac ah sheegay oo qaldan, Wasiirka Gaashaandhigga oo kale waa hey’ad siyaasad, Wasiirka Warfaafinta isna wuu ka hadlay, markii hore, balse markii dambe ayuu bedelay inta wax ogaaday, isna wixii dowladda soo gaaray ayuu ka hadlayay, laakiin kuligood warar horudhac ah ayay bixiyeen”ayuu yiri Jen. Cirfiid oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in arrintan uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay u sheegeen inay ka xun yihiin, kana tacsiyadeynayaan, isla markaana loo saaray Guddi xaqiiq raadin ah sida uu yiri.

Jen. Cirfiid ayaa sheegay in qaabka dadkaas lagu dilay ay ku dhintay si kama ah, isla markaana aanay aheyn duulaan la qaaday sida uu hadalka u dhigay,

“Qaabka dadkaas lagu dilay si kama’a ah ayay aheyd, meesha duulaan lagu qaaday ma aheyn, maalmahan ciidamadeena meelahaas howl gal ka wadeen, subax horena waa aheyd oo salaadii subax ah, dadkan la laayay ee meesha joogay waxay u qaateen ayagoo beerahooda jooga la soo weeraray, halka ciidamada dowladdana ay u qataeen inay Shabaab yihiin, sidaas ayuu falka ku dhigay”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa falkan uga hadlay si is khilaafsan oo jahwareer ka muuqday, Wasiirka Warfaafinta oo goor sii horeysay ka hadlay ayaa sheegay in howl gal ay qaadeen ciidamada xoogga dalka lagu dilay Shabaab.

Hase ahaatee Wasirika gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed oo isna la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in ragg hubeysan oo diiday inay hubka dhigaan ay ciidamada is rasaaseeyeen, isla markaana aanay kala cadeyn karin inay ahaayeen dad beeraley, maleeshiyo beeleed iyo Shabaab, balse dowladda ay wado howl gal, waxaa uu xusay in howl galkaas ay kaliya fuliyeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo safar ku jooga dalka Mozambique ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Facebook ku sheegay in howl galka meesha ka dhacay uu ahaa labo howl gal, mid Shabaab iyo mid shacab ah, inkastoo markii dambe uu qoraalkaas ka bixiyay bartiisa Facebook.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi la soo dhigay bartiisa Facebook si deg deg ah looga saaray, iyadoo markii hore dadkii ku dhintay howl galkaas loogu tacsiyadeeyay, isla markaana dowladdu sheegtay in la baarayo.

Baraha Bulshada ayaa waxaa qabsaday dood ku saabsany hadalada jahwareerka dhaliyay ee ku saabsan howl galka ka dhacay Bariire, waxaana dad badan layaab ku noqotay sida aysan dowladda dhexdeeda isaga war qabin.

Puntlandes.com

About The Author