Akhriso Golaha Wasiirada oo lagu amray in ogolaansho la’aan isticmaali karin Warbaahinta

27 Aug 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray warqad amar ah oo lagu farayo Golaha Wasiirada inaysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.

27d1

Warqad qoraal ee ka soo baxday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa lagu faray dhamaan Wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la xiriira warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa la faray Wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya Xukuumadda.

Amarkan ayaa ka dambeeyay markii Wasiiro ka tirsan dowladda ay si iska soo horjeeda uga hadleen dhacdadii Bariire, waxaana Wasiirada qaar ay barahooda bulshada ku soo qoreen hadalo is burinaya, taasoo jahwareer badan dhalisay.

27d

Puntlandes.com

About The Author