Daawo Video:Kulankii Baarlamanka DFSoo natiijo la’aan dhamaaday iyo qaylo iyo Sawaxan

Muqdisho(Pes): Fadhigii maanta barlamaanka DFS ee la isku dayayey in la Qaybiyo Moosnkii Sharcidarada ahaa  ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aanta kadib markii at horistaageen Xildhibaanada u istaagay in ay u hoiiliyaan Sharciga Qaranimada Somalia.

Waxaana gudaha xarunta baarlamaanka laga maqlayay heeso wadani ah oo ay ku luuqanayeen xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa markii dambe isaga tagay xarunta golaha kadib markii uu xal u waayay inay xildhibaanadu jooojiyaan buuqa iyo fowdada.

Arrintaan ayaa noqonaysa markii labaad oo uu fashil ku yimaado qorshaha la doonayo in barlamaanka lagu horkeeno mooshinka lagu ridayo reysal wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la dhawrayaa talaabada xigta ee uu qaadidoono madaxweyne Xasan Culusoow oo ablaab walba ka soo xirmay iminka.

 

Halkan ka daawo Video

Puntlandes.com

About The Author