Dhagayso: Minneapolis oo Waddo Loogu Magac Daray AUN Xuseen Samatar
29 Aug 2017 (Puntlandes) Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto.
Xuseen ayaa sidoo kale ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota.
Dadkii kasoo qeybgalay munaasabaddi dhagax dhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis kana soo shaqeeyey in Wadadan loo bixiyo Xuseen Samatar, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota.
Dhagayso warbixin ay ka diyaarisay VOA
Puntlandes.com