Dhagayso: Wasiir Juxa oo ka hadlay go’aankii Wasiirada looga mamnuucay isticmaalka Saxaafadda & Barajha Bulshada
29 Aug 2017 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha Gudaha, Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaliya mudane Cabdi Siciid Faarax (Juxa) ayaa ka hadlay go’aankii Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Saxaafadda & Barajha Bulshada isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha.
Juxaa oo la hadlaayay Idaacada BBC, ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha.
Wasiir Juxa ayaa yiri “Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.”
Dhagayso wasiir Juxa oo BBC ka waraysatay arinkan
Puntlandes.com