Daawo Video-Dhagayso: Cali Cosoble oo sheegay in Jowhar la qabsaday uuna ku shaqeynayo Beledweyne

29 Aug 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii dhowaan ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay dooneyso burburinta dowlad goboleedka Hirshabelle.

20a5

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay Cali Cosoble in aysan ka jirin cadaalad magaalada Muqdisho ayna dowlada federalka ka shaqeyneyso sidii ay u burburin lahayd dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Cosoble ayaa sheegaya inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad goboleedka Hirshabelle waxana uu sheegay inuu ku shaqeyn doono magaalada Beledweyne.

“Haddii Shabaab uu magaalo qabsado meeshii kale oo lagu shaqeyn karo ayaa la tagaa Jowhar waxaa qabsaday  dowlada dhexe oo fowdo dooneysa sidaa awgeed waxaan ku shaqeynayaa Beledweyne.”ayuu yiri Cali Cabdulaahi.

Dhagayso Shirkii Jaraa’id oo uu Cosoble ku qabtay Beledweyne


Puntlandes.com

About The Author