Jamhadda ONLF oo ka hadashay Sargaalkoodii ay DFS u gacangelisay Dawladda Itoobiya

30 Aug 2017 (Puntlandes) Jabhada ONLF ayaa soo saartay qoraal ay ugaga hadlayaan ku wareejinta dowlada Ethiopia sarkaal ka tirsanaa jabhadda ONLF Cabdikarin Sheekh Muuse.

27e4

ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya u gacan gelinta dowlada Ethiopia Cabdikarin Sheekh Muuse dowlada Ethiopia iyadoo ku sheegtay in lagu tuntay dastuurka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ay soo saartay ONLF ayaa lagu sheegay in Cabdikarin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu muddo saddex sano ah degenaa magaalada Muqdisho balse uu u tegey magaalada Gaalkacyo in uu magaalada Muqdisho keeno wiil ku xanuunsanayay Gaalkacyo kaasoo uu adeer u ahaa.

“Madaxweynaha, ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Ethiopia ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay isla markaana loogu gacan geliyay dowlada Ethiopia Qalbi Dhagax.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

Qoraalkan ayaa lagu beeniyay in uu Cabdikarin Sheekh Muuse uu haystay baasaboor Ethiopian ah isla markaana doonayay in uu qaato baasaboor Soomaali ah. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn ururka Alshabaab sarkaalka ka tirsanaa ururka ONLF.

“Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo,Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre,la taliyaha ammaanka Madaxweynaha Gen. Bashir Mohamed Jamac-Goobe,taliyaha NISA Abdullahi Mohamed Ali “Sanbalolshe” waxa ay ka galeen dambi ah qayaano qaran.”ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen jabhada ONLF.

ONLF ayaa ugu baaqday baarlamaanka Soomaaliyeed inay ka qaadaan talaabada ku haboon dowlada Farmaajo oo ay ku tilmaameen inay tahay dowlad guuldareysatay.

Sidoo kale jabhada ONLF ayaa ugu baaqday hay’adaha UNHRC, ICRC, HRW iyo beesha caalamka in ay il gaar ah ku eegaan xaalada uu ku sugan yahay iyo weliba bedqabkiisa Mr Abdi-Karin Sh. Muse ayna cadaadis ku saaraan dowlada Ethiopia inay tixgeliso dhowrista xuquuqda aadanaha iyo inay u hogaansanaato xeerka caaalamiga ah ee Geneva.

Illaa iyo hadda dowlada Federalka ma beeneyn mana xaqiijin u gacan gelinta sarkaalkan ka tirsanaa ONLF dowlada Ethiopia.

Puntlandes.com

About The Author