Daawo Video: Xildhibaan Zakariye ”Arinta Qalbi-Dhagax waa Khayaano Qaran, oo waliba Maskaxdii Shacabka Somaiyed la caayayo weeye
1 Sep 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku tilmaamay Khayaano Qae Xildhibaan Zakariye ”Arinta Qalbi-Dhagax waa Khayaano Qaranran dhiibitaankii ay DFS u gacan gelisay dawladda Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay iska soo saarto cidii ka dambeysay falkaasi.
C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ONLF, ayaa dhowaan waxay DFS u gacan geliyay dowladda Itoobiya.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu waxaa uu ugu baaqay labada Gole ee Baarlamaanka inay tallaabo sharci ah ka qaadaan, isagoo xusay in arrintan ay aheyd khiyaano qaran oo aan laga aamusi karin.
Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in iyaga xataa ay khatar ku jiraan in loo dhiibo dowladda Itoobiya, isla markaana wax lala yaabo ay tahay in Muwaadin Soomaaliyeed
Xildhibaan Zakariye ayaa yiri “Ninkaas 8 maalmood ayaa la hayay, Qalad iyo kama’a kuma dhici dhiibidiisa, waxay ku dhacday kas iyo tashi, cida amartay ayaa rabnaa ama dowladda banaanka ha iska soo saarto cidii ku talisay iyo cidii dhiibtay, waxaa ku heysanaa Madaxda, ayaga daba joognaa waana khiyaano qaran”
Xildhibaan Zakariye ayaa yiri ”wax badan baan dhawraynay oo niri yaan lala hadlin, waa dawlad cusub,,laakiin inay ka bilowdo inay muwaadiniin Soomaaliyeed intay Qabirto oo jeebo ku jabiso dhiibto MAYA,, waliba waxaa la ii sheegay in maarkii loo dhiibay Itoobiyaanka ninka oo si xun u jeebaysay intay Jeebadii ka fureen, madaxii maradii ugu jirtay bay qaadeen, waxay yiraahden nina ku dili maayo nina ku cadaabi maayo kuwii uu ka dhashayna sidaas ayey yeeleen,, sidee la isku aaminayaa? Aaway wixii lagu aaminay?”
Daawo wareysiga
Puntlandes.com