Akhriso DFS oo USA ka codsatay taageero milateri, dalka Irana ku eedaysay inay Alshabaab kula heshiisay Uranium Degaano Galmudug kujira

1 Sep 2017 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ay u dirtay dawladda Maraykanka ku sheegtay inuu jiro heshiis saddex geesood ah oo ay wada gaareen dowladda IRAN, Alshabaab iyo ururka isku magacaba dowladda islaamka ee ISIS, sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda federaalka oo u ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garad Cumar.

27d8

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay gaaren IRAN, Alshabaab iyo ISIS wuxuu dhigaya inay la wareegaan deegaanno ku yaalla bartamaha dalka soomaaliya oo ay ka midyihiin deegaanno ay maamusho dowlad gobolleedka Galmudug. Deegaannada danta laga leeyahay oo la sheegay mar horaba inay la wareegeen Alshabaab waxaa lugu sheegay  sidii looga soo saari lahaa macdanda Uraniumta ee laga farsameeyo hubka Nukliyeerka, taas oo loo dhoofinayo dalka IRAN oo daneynaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga dalbatay dowladda Marekanka inay Soomaaliya usoo diraan ciidamo dhulka ka dagaallama iyo sirdoon,si looga hortago khatar uu wajahayo caalamka oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya iyo Marekanka,sida lugu sheegay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraalkeedda ku caddeeysay ciidamada Soomaalida iyo AMISOM in aysan hadda awood u laheyn wax ka qabashada qatartaas ay dowladdu tilmaantey ee ka soo socota gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtey in Mareykanka ay yihiin awooda kaliya ee wax ka qaban karta qatartaas soo fool leh.

Waa markii ugu horreeysay oo dowladda Soomaaliya ay soo bandhigeyso walaac weyn oo ku aadan in Soomaaliya laga qado macdanda Uraniumta ee laga farsameeyo hubka Nukliyeerka oo la sheegay inay ka faa’iideysanayso IRAN oo adeegsaneysa dagaalyahannada Alshabaab iyo ISIS ee ku sugan Soomaaliya,ma jirto jawaab uu Marekanka ka soo celiyay dalabka dowladda dhexe ee federaalka ah ilaa hadda,laakin codsigan ayaa sabab u noqon kara deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah inay si toos ah usoo deggaan ciidamada Marekanka kuwaas oo ay suragal noqon karto inay saldhigyo ka dhistaan gobollada dhexe.

Dhanka kale waxaa qoraalka lagu soo gabagabeeyey in maadaama madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya uu haysto dhalashada dalka Maraykanka in ay uga fadhido DFs inuu Caawiyo, arintan ayaa ah mid khuburada arimaha Soomaaliya la csocda ay ku tilmaameen wax lala yaabo oo aan ku abtirsan Qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

 

Akhriso qoraalka oo af-Ingiriis ku qoran

27d

27d1
Puntlandes.com

About The Author