XOG: Waa side xiriirka dhexmaray Hailemariam & Hassan Khayre?

2 Sept 2017 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha DFS Xasan Cali Khayre ayaa labo safar ku tagay 2aad Itoobiya mudo gaaban dhexdood. Booqashadii u horaysay ee uu ku tago Raysal Wasaarw Khayre dalka Ethiopia ayaa ahayd mid uu uga qayb galay shirka IGAD.

3

Ethiopia oo jabisay Xeerka Diplomaasiyadda

Dawladda Ethiopia ee uu hogaamiyo Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa waxay jabisay xeerka Diplomaasiyadda kadib markii Safiirka u fadhiya dalkaasi Soomaaliya Amb Jamaaludiin oo Qunsalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya ahaa 4 sano loo dalacsiiyey Safiir.

Wuxuu xeerka Diplomaasiyaddu sheegayaa in wadan kale la geeyo mar haddii Qunsul loo dalacsiiyo safiir, ee ma ahan inuu isla dalkii uu Qunsulka ka ahaa uu Safiir uga dalaco.

Raysal Wasaare Xasan Khayre ayaa aad usoo dhaweeyey magacaabidda  maadaama ay Amb Jamaaludiin ay isku dhow yihiin oo ay qaraabo yihiin waana taas tan usuurto gelisay RW Hailemariam inuu magacaabo.

Safarkii Xasan Khayre ee Ethiopia

Safarkii RW Khayre ee u horeeyey waxaa kasoo shaqeeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Jamaaludiin Mustafa Omar oo ay Xasan Khayre qaraabo dhow yihiin.

Markii uu Khayre la kulmay Hailemariam ayuu sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa uu ku yiri “Anniga waxaan u taagnahay inaan sii wado siyaasadii aad kula heshiiseen madaxweynihii hore DFS Xasan Sheekh, taasoo ah inaan idinka isu kiin dhiibay idinlana shaqayn doono. Aniga Xasan Sheekh saaxiibkay buu ahaa isagaana dhisayey isku siyaasad baanuna ahayn, waxaana idinka balan qaadayaa inaan booskii Xasan Sheekh idiin geli doono wax kasta oo uu idinka balan qaadayna aan fulin doono sidaas darted waxaan idinka codsanayaa wadashaqayn. Waxaana idinka codsanayaa in aad arinta Ahlusunna soo dhexgashaan sidoo kalena meelihii aad Ciidamadiina kala baxdeen aad kusoo celisaan, Jubadda Dhexena ka xoraysaan Alshabaab wixii soomaaliya iyo madaxweyne farmaajo aad uga baahataana aniga i waydiiya”

RW Hailemariam madaxa ayuu u ruxay, waana u riyaaqay wuxuuna ka dalabaday inuu dhowr arimood fuliyo waxaana ka mid ahaa:

  • In Madashii madaxda qaranka aan dib loo soo celin, aydoo Ethiopia ay u aragto madaxsha inay ahayd bilow midnimo Soomaaliyeediyo wax wadalahaansho.
  • In arinka Khaliijka ay isla socdaan oo sida Ethiopia rabto loo dhigo
  • Inuu dawladda ka saaro dhawr wasiir oo aysaan Ethiopia doonayn uuna ku bedelo kuwa ay Ethiopia wadato. Waxaa laga codsada in uu cayriyo Wasiirka Amniga Qaranka, wasiirka Gaashaandhiga iyo wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga, halka ay doonayso in Golaha wasiirad loogu soo daro Xil. Mustafa Dhuxulow, Xil. Xidig iyo Xalane.
  • In laga talogeliyo Ethiopia saldhigyadda Imaaraadka iyo Turkiga ay ku leeyihiin Soomaaliya
  • Inuu Khayre ka shaqeeyo sidii loo soo qaban lahaa rag ka tirsan jamhadda ONLF oo Kismayo jooga uuna Axmed madoobe ka leexleexday inuu soo qabto.
  • In Soomaaliya laga iibgeeyo Korontada Ethiopia

RW Khayre wuu kasoo balanqaaday Hailemariam dhamaan qodobadaas inuu fulin doono sida ugu dhaqsaha badan.

Heshiisyadii uu lasoo galay waxaa ka mid ahayd inuu usoo gacan geliyo dalka Itoobiya madaxda Jamhadda ONLF ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, isagoo taas badelkeedana codsaday Khayre in Itoobiya usii dayso in yar oo ka mid ah Soomaali badan oo ku jirta Xabsiyadda Itoobiya iyadoonaa taas laga aqbalay.

RW Khayre oo fulinaya Heshiiskaas ayaa door aad wayn ku lahaa u gacan gelintii ay DFS u gacangelisay dawladda Itoobiya Qali-Dhagax oo ka mid ah madaxda sare ee ONLF.

Dawaladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa la dhacsan xiriirka iyaga iyo RW Khayre iyo sida uu ugu dhagonugul yahay.

Puntlandes.com

About The Author