Akhriso Yusuf Garaad oo ku amray Safiirada & Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda inaysan la hadli karin Warbaahinta kadib markii uu Safiirka USA xaqiijiyey warqadii Yusuf Garad
3 Sept 2017 (Puntlandes) Wasiirka Arimaha Dibadda DFS Yuusuf Garaad Cumar ayaa amar culus kusoo rogay Safiirada & Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasoo ah inaysan la hadli karin Warbaahinta,
Amarka Yuusuf Garaad ayaa ka dambeeyey kadib markii uu Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykan Amb Axmed Cise Cawad uu xaqiijiyey warqadii Yusuf Garaad uu kaga codsay dawladda Maraykan taageero Milateri, halkan ka akhriso qoraalka uu Yusuf qoray.
Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in aysan warbaahinta la hadli karin ogolaansho la’aan, kaddib warqad ka soo baxday Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Danjire Cali Maxamed Cali.
Warqada ayaa Taariikhdeeda dib loo dhigay iyadoo laga dhigay inay oo soo baxday dhamaadkii bishii July ayaa waxaa lagu wargeliyay Safiirada, Ergooyinka, Qunsulada in aanay la hadli karin warbaahinta kala duwan illaa ogolaansho rasmi oo sugan ka heystaan Xarunta Wasaaradda, ujeedada warqada ayaa ah in Yuusuf Garaad ku qaado dambi ah inuu amarkii fulin waayey Amb Axmed Cise Cawad.
Sidoo kale waxaa la faray dhamaan Diblomaasiyiinta ay darajadooda ka hooseyso Danjire, Ergey joogto ama Qunsul waxaa ka mamnuuc ah la hadlida nooc kasta oo Warbaahin.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa caado u noqotay xukuumadda Raysul wasaare Xasan Cali Khayre isdabayaac iyo inay soo saarto qoraalo lagu qoslo oo is-burinaya.
Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda