War deg dega: Baarlamaanka DFS Garabka madaxweyne Xasan oo shirsan

Muqdshish(Pes): Wararka ay heshay Puntlandes.com ayaa sheegaya in Garabka madaxweyne Xasan Culusoow ee Xildhibaanada DFS uu xiligan kulan degdeg ah oo albaabadu u xiran yihiin uga socdo Hoteelka Naasa Hablood 2. Baarlamaanka DFS ayaa u kala jabay laba Garab iyadoo Garabka uu hogaaminayo madxweyne Xasan ay doonayaan in ay dawlada DFS afka ciida u geliyaan waxayna ka keeneen Mooshin Sharcidaro ah lana hor istaagay laba jeer oo maanta u dambaysay.
Kulanka ay leeyihiin Xildhibaanada Garabka taageersan madaxweyne Xasan Mooshinkana ka gudbiyay Ra’izul Wasaaraha DFS ayaa waxa ay kaga arinsanayaan tilaabooyinka haboon ay qaadi karaan mar haddii ay ku fashilmeen Mooshinkii laga keenay Xukuumada.
Waxaad moodaa in ay hada u weecin doonaan weerarka dhanka Gudoomiyaha maadaama uu xoog u isticmaaliwaayey garabka taageersan Ra’izul Wasaaraha DFS.

Madaxweynaha ayaa shalay hadlay mana soo qaadin xaaalada cakiran ee ay marayso iminka DFS wuxuu madaxweyne xasan diiday talooyinka Beesha Caalamka oo ah mida ay ku tiirsan tahay DFS wuxuu kaloo diiday talooyinkii Xildhibaanada, siyaasiyiinta, aqoonyahano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo farabadan isagoo ka door biday in uu u burburiyo DFS wasiir wasaarad loo badalay waa Wasiir Faarax Cabdulqaadir

Waxii kulankan ka soo baxa kala Soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author