Doorashada dalka Kenya oo lagu dhowaaqay waqitga la qabanayo

4 Sept 2017 (Puntlandes) Guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha dalka Kenya ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqeen in doorashada ku celiska ah ee Madaxweynaha Kenya la qaban doono 17ka bisha Oktoobar ee sanadkan.

24b2

Qoraal ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in doorashadan ay u dhaxeyso hogaamiyaha mucaaradka Raila odinga iyo ku xigeenkiisa iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa oo kaliya.

Doorashada dalka Kenya ee dhacday horaantii bishan Augost ayaa waxaa baabi’iyay Maxkamada sare ee dalka Kenya iyadoo ku tilmaantay inay qaladaad dhaceen doorashada heer Madaxweyne.

Waa markii ugu horeysay ee dalka Kenya doorasho ku celis ah dadku ay u dareeraan waxaana durba ka bilowday magaalooyinka dalka Kenya olole ay wadaan taageerayaasha Kenyatta iyo Odinga.

Puntlandes

About The Author