Dhagayso: Warbixin ku saabsan Dowladda Soomaaliya & Dhiibistii Qalbi-Dhagax
4 Sept 2017 (Puntlandes) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay culeysyo siyaasadeed iyo bulsho oo is xig-xigey.
- Dhacdadii Bariire iyo qaabkii ay dowladu u maaraysay ama ay uga hadashay!!!
- Qalbi-Dhagax oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF oo ay dowladu u dhiibtey dalka Ethiopia.
- Qoraalkii kasoo baxay Xafiiska Raysul wasaaraha ee looga mabnuucay Golaha Wasiiradda inay isticmaalaan Saxaafadda iyo baraha Bulshada
- Qoraalkii kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibadda ee looga mabnuucay Shaqaalaha Wasaaradda iyo safiiradda inay isticmaalaan Saxaafadda iyo baraha Bulshada
- Qoraalkii FADEEXADDA Xambaarsanaa ee kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka looga baryayey inay duqayso Gobolada Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Dhexe, iyadoo lagu caddeeyey qoraalkaas in maadaama uu madaxweynuhu haysto Dhalasho Maraykan ah ay DFS uga fadhido caawimaad Milateri dawlada Marayanka CAJIIB
Warka ku aadan dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxa ay dowlada ku keentey culeys iyo dhaleeceyn uga timid bulshada Soomaaliyeed qaaybaheeda kala duwan iyo waliba mudanayaasha Baarlamanka.
Dawladda ayaan weli faahfaahin buuxda ka bixin qaabka u martay wareejinta sarkaalkaasi ONLF iyo sharciyada ay u codsatay.Waxaana ay arrintan ay imanaysaa iyadoo dadka qaar su’aalo iska weydiinayaan sharciyadda wareejintaasi iyo inay jireen heshiisyo ka dhexeeyey labada waddan.
Dhagayso warxib ay ka diyaarisay VOA
Puntlandes.com