RW Kahyre oo isku dayaya inuu shacabka Somaliyeed ku dajiyo Itoobiya aya siideynaysa Maxaabiista Somaliyed & taagerada uu ka haysto Itoobiya

5 Sept 2017 (Puntlandes) Saxaafadda dawladda ayaa waxaa laga baahiyey war kale oo CEEB ku ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya kaasoo ah meeshii hadal iypo QANCIN laga sugayey inay lasoo shir tagaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi, kuwaasi oo uu kamid yahay Wariye Max’ed Aweys Muuddey (Boqorka Bartamaha).

 3

Warkan ayey Wakaaladda SONNA ka heshey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka telfoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Waxaaa kaloo hoosta uu ka xariiqay Xafiiska Khayre in Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka aqbalay codsiga uga yimid RW Khayre, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga xukuumadda Khayre.

27e5

Dhawaan ayaa Dowladda Soomaaliya waxay u dhiibtay dawladda Itoobiya Cabdikariim Qalbi-Dhagax o ka tirsan madaxda ONLF, taasoo ka hor imaanaysa Xeerarka Caalamiga ah, kuwa Muslinimada iyo kuwa Soomaalinimadaba.

28kii aug. 2017 ayaa dawladda Soomaliya u gacan gelisay dawlada Itoobiya Qalbi-Dhagax oo ka mid ahaa  madaxda ONLF, taasoo dhalisay caro aad u xoogan oo ay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka qaadeen, ilaa iyo hadana kama aysan hadlin Xukuumadda Khayre, halka ay dawlada Itoobiya iyo madaxweynaha DDSI Cabdi maxauud ay ka hadleen.

Dhanka kale waxaa CEEB iyo Foolxumo kale ku ah DFS inay meeshii shacabku ka sugayeen inay ka qanciyaan sababta loo dhiibay Qalbi Dhagax ay maanta lasoo shir tagaan waxaan Itoobiya kala hadalnay inay noo soo dayso Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas.

Puntlandes.com

About The Author