Waqtiga uu furmayo Fadhiga Baarlamaanka Faderaalka oo la shaaciyey
5 Sept 2017 (Puntlandes) Guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyay in maalinta Sabtida oo ay bishu tahay 9ka uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar-dargeliyo howlaha golaha horyaalla.
“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo billaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka.” ayuu yiri xog-hayaha guud ee Baarlamaanka, Cabdikariin Xaaji Buux oo warbaahinta dowladda la hadlay.
Xoghayaha Baarlamaanka,waxaa kalo uu ka dalbadey guddiyada joogtada ee golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto la qaban doono oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada golaha.
Baarlamaanka wuxuu fadhiga u furmaya xilli dalka uu ku jiro arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah kuwaaso qaarkood ay Baarlamaanka ku lug leeyihiin,waxaanna ka mid ah arrimaha la filayo in kulamada Baarlamaanka ay hareeyaan duqeymaha dalka laga fuliyo oo ay dad rayid ah wax ku noqdaan iyo eedeynta dowladda ay kala kulmeyso inay dowladda Itoobiya ku wareejisay sarkaal ka tirsan ONLF oo muddo dalka ku sugnaa,arrinta xildhibaanno badan ayaa ka hadlay.
Puntlandes.com