Shir deg deg ah oo maanta la isugu yeeray Golaha Wasiirada Soomaaliya, maxay tahay sababtu?

6 Sept 2017 (Puntlandes) Golaha Wasiirada DFS ayaa maanta oo Arbaco ah yeelanaya shir deg deg ah oo aan caadi ahayn, waxaana Wasiirada lagu wargeliyay in shirka isugu yimaadaan 10-ka subaxnimo ee saaka.

27d1

Xalay ayaa Wasiirada fariimo loogu sheegay in kulan deg deg ah ay ka soo qeyb galeen loo diray, loomana sheegin ajandaha shirka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Shirka deg dega ah ee Golaha Wasiirada oo ku soo aaday xilli xasaasi ah, oo dowladda Federaalka ay wajaheyso xaalado ka dhashay FADEEXOOYIN isdaba joog ah oo ay ku kacday DFS:

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wax jawaab ah ka soo saarin dhacdadii Bariire inkastoo uu dhacay is afgarad dhex maray dowladda iyo odayaasha ka soo jeeda dadkii lagu dilay Bariire, kaasoo sababay in la aaso meydadkii la diidanaa in la aaso markii jahwareer uu ka dhashay cida leh mas’uuliyada weerarkii Bariire.

Sidoo kale Xukuumadda iyo Madaxtooyada ayaa wali ka hadlin arrinta  C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo todobaad ka hor loo gacan geliyay Itoobiya, waxaana tallaabadan ka dhalatay buuq siyaasadeed iyo cambaareyn ka timid Xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Wararka laga helayo Xafiiska Raysul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegaya in  Dowladda Federaalka Soomaliya ay cadaadis kala kulantay Dowladda ethopia ee ku aadan arinta  C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax),islamarkaana mowqifka Dowladda Ethopia uu yahay in Dowladda Soomaliya ay qirato in ninkaas ay iyada gacan galisay. Shalay ayaa Xafiiska Raysul Wasaaruhu waxa uu shaaciyey in Khayre uu khadka telefoonka shir kula qaatay Dhiggiisa Dalka Itoobiya Hailemariam Desalem taasoo looga dhaadhiciyey Qirashada.

Puntlandes.com

About The Author