Dhagayso: DFS oo sheegtay in iyadoo fulisay heshiis ay horay ula gashay Itoobiyo & Halisna uu ku yahay Qalbi-Dhagax Amniga Gobolka ay Dhiibtay!!!

6 Sept 2017 (Puntlandes) Waxaa goor dhawayd shi deg deg ah oo aan caadi ahayn uu usoo gabagaboobay Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre, iyadoo shirkaas uga hadlaysay dhiibitaankii dhibane Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ay DFS u dhiibtay dawaladda Itoobiya.

27d1

Shirka golaha wasiiradda DFS oo xalay xili dambe fariin ahaan loogu diray xubnaha ayaa waxaa shir gudoominayey RW Khayre waxaana lagu go’aamiyey:

  • Inuu sharci ahaa dhiibistii ama u gacan gelintii ay DFS u gacan gelisay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax dawladda Itoobiya
  • inay DFS fulisay heshiis ay horay ula gashay Itoobiyo
  • Inuu Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax halisna ku yahay Amniga Gobolka maadaama uu ONLF yahay

Falkan ay ku kacday Dawlada Fadaraalka ayaan meelna kasoo gelin Xeerarka Caalamiga ah, kan Insaanimada, kan Muslinimada iyo Kan Soomaalinimadaba, waan fal ay shacabka Soomaaliyeed aad uga Xumaadeen inay ku kacdo dawladii ay u han waynaayeen.

27e5

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author