Xukuumadda Khayre oo ururada ku kacsan Dawladda Ethiopia u aqoonsatay Argagixiso halis ku ah Amiga gobolka
6 Sept 2017 (Puntlandes) Xukuumadda Soomaaliya ee uu Raysul wasaaraha u yahay Xassan Cali Khayre ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku sheegtay inay ururada ku kacsan Dawladda Ethiopia u aqoonsatay ururo Argagixiso ah, isla markaasna khatar ku ah amniga Gobolka.
Go´aankaani wuxuu ka dambeeyey kadib markay Xukuumadda Khayre muddo asbuucyo ah, ka aamusnayd jawaabta sababta keentay inay Ethiopia u gacan geliyaan Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).
Sida caadada ah, qeexida erayga Argagixiso iyo weliba cidda tilmaantaas yeelanaysa way ku kala aragti duwan yihiin wadama caalamku. Tusaale ahaan, ururada ku kacsan Dawladda Ethiopia, dadalka caalamka uma aqoonsana argagixiso, bal qaar badan oo ka mid ahi waxay aaminsanyihiin inay yihiin ururo xaq u dirir ah iyadoo la arko hogaamiyeyaasha ururadaas oo shirar la geleya wadamo ka mid ah EU ama warbixin siinaya baarlamaanka ama European commission:ka .
Dhanka kale Kacdoonada hubaysan ha ahaadeen mid uu Gobol ka mid ah wadan ku doonayo Xornimo ama mid kooxi doonayso inay xukunka ka tuurto hogaanka dalkaas waxaa lagu suntaa erayada Argagixiso, Sharwade, Nabad diid iyo iwm. Liikiin taas uma aqoonsada caalamku, ee wuxuu u aqoonsanadaa mucaarid hubaysan.
Itoobiya ayaa maanta ku guulaysatay wax ay waligeed ku riyoon jirtay, taasoo ah inay Soomaaliya si rasmi ah u maamusho iyadoo hogaanka dalka u dhiibatay dad ay dhashay iyadu oo u shaqaynaya.
Go’aanka ay maanta ee Golaha wasiiradda DFS waa guul weyn oo usoo hoyatey dawladda Ethiopia maadaama ay noqonayaan, dawaladdii ugu horeysey ee uu Dal kale si dhamaystiran ula qaato aragtideeda ku aadan ururada ku kacsan xukunkeeda.
Puntlandes.com