Dhagayso: Mahad Salaad & C/karim Guuleed oo ka Jawaabay Heshiiskii Ethiopia
6 Sept 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go’aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.
Dhagayso waraysi ay la yeelatay VOA Cabdikarin Xuseen Guuleed
Dhanka kale sida lagu sheegay warka ka soobaxay dowladda waxaa golaha la horgeeyay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhagayso waraysi ay la yeelatay VOA Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
Go’aanka dawladda aya waxaa sidoo kale lagu sheegay in Heshiiska Cabdikarin Xuseen Guuleed ay Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Puntlandes.com