Xog: Xildhibaanada Garabka madaxweynaha oo u hanjabay Gudoonka Baarlamaanka

Muqdishu (Pes)  Ka dib markii uu dhicissobay afgambi ay madaxtooyadu soo maleegtay oo ay doonaysay in ay afka ciida u geliso Xukuumada uu hogaansha Raysul Wasaare Cabdiwali ayaa waxaa shir deg dega isugu yimid Hotel Naas hablood 2 Xildhibaanada Garanka madaxeweyne Culiusoow waxayna u hanjabeen Gudoonka Baarlamaanka.

Waxay ku eedeeyeen in uu Gudoonka Baarlamaanka gudan waayey waajibaadkii saarnaa oo ah hagida baarlamaanka iyagoo ku dooday waxay ahayd in uu xoog u isticmaalo Garabka taageersan Raysul Wasaaraha. Garabka madaxweynaha waxaa u hadlay Xildhibaan Maareeye iyo xildhibaan Xoosh iyagoo u jeediyey hanjabaadii ugu darnayd Gudoonka Baarlamaanka yirina waxay waayidoonaan Xilalkooda.

Waxaa wax lagu qoslo ahayd in aysan ka badnayn 25 xildhibaan hadana in ay ku doodayeen in ay yihiin 174 Xildhibaan. Waxay kaloo la soo shirtageen in ay waraaq u qorayaan madaxweynaha ayna ku wargelinayaan in ay dhacday dawlada uuna soo magacaabo Raysul wasaare cusub.

Tani waxay u egtahay nin daad qaaday xumbo cuskay iyo halhayskii kale ee ahaa ”Ninkii Buun xada meeshuu ku yeerin lahaa ayaa la rabaa” Bal aynu sugno waxay la soo shirtagaan haddii Allah idmo

Puntlandes.com

About The Author