Akhriso Talo-bixin Sharci oo la siiyay Raysul wasaare Khayre intuusan go’aanka soo saarin ka hor!!!

7 sept 2017 (Puntlandes) Sharciyaqaano Soomaaliyeed ayaa inta uusan Raysul wasaare Xasan Cali Khayre qaadan goaankii shalay la shaaciyey waxay siiyeen talo ay ku caddahay waxa sharcigu ka qabo in muwaadin Soomaaliyeed ama qof Ajanabi ah loo gacangeliyo dawlad kale.

3

Nasiib daro ma qaadan taladaas wac ku oolka ah ee wuxuu taas bedelkeedii qaaday AMARKII ay siisay dawladda Itoobiya.

Akhriso Talo-bixin Sharci oo la siiyay Raysul wasaare Khayre intuusan go’aanka soo saarin ka hor oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes.

 

Ujeedo: Talo-bixin Sharci: Isu-celinta Eedeysanah ama Dembiilaha

Marka la tixraaco Sharciyada Dalka Soomaaliya, Kuwa Heer Gobol ee Soomaaliya Xubinta ka tahay iyo Kuwa Caalamiga ah ee ku aaddan “Habka Isu-celinta Qofka Eedeysanaha ama Dembiilaha ah” (Extradition Procedure), waxay caddeynayaan tallaabooyin kala duwan oo mid walba tixgelintiisa gaarka ah leedahay, waana sida soo socota:

Sharciyada Dalka Soomaaliya-

Sharciyada dalka ee ku saabsan “Isu-celinta Qofka Dembiilaha ah ama u eedeysan dawlad shisheeye” waxay guud ahaan isku raacsan yihiin in aan qofka u eedeysan dawladda Shisheeye ama dembi ka galay, oo ay Dawladdaasi ka codsatay Dawladda Soomaaliya in ay u soo-celiso qofkaas, aysan sharciyada dalka Soomaaliya oggoleyn arrintaas, marka laga reebo xaalado gaar ah oo leh hab-raadraac iyo shuruudo gaar ah oo ku saleysan heshiis ama hannaan kale oo dawladdu marto ama gashay.

1. Dastuurka Ku-meel-gaarka ah (KMG) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS)- Qodobka 36aad: Isu-celinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha;

(1) Isu-celinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay JFS dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

(2) Isu-celinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isu-celinta dembiilayaasha.

Si la mid ah, sida uu caddeynayo Dastuurka KMG ah, ayuu Dastuurkii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960, Qodobka 19aad (1) (2) iyo (3) caddeynayaa in isu-celinta Eedeysanayaasha iyo Dembiileyaasha keliya lagu oggolaan karo si waafaqsan sharci dalka ama heshiis caalami ah.

2. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed- Qodobka 11aad: Isu-celinta Dembiilaha ama Eedeysanaha

U gudbin dambiilaha ama eedeysanaha waddanka uu dembiga ku galay ama uu u eedeysan yahay, waxaa la sameyn karaa oo keliya xaaladaha iyo dariiqada sharciga dalku dhigayo ee uu oggol yahay axdiga caalamiga ahi, sida ku cad Qodobka 19aad ee Dastuurka iyo Qodobka 8aad ee Xeerka Ciqaabta.

(1) Isu-celinta iyo gacan-gelinta lama sameyn karo, haddii falka qofka la celinayo uusan kelifayn baahi dembi awgeed oo ku saleysan Xeerarka Soomaaliyeed iyo Xeerarka Caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo Qodobka 15aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

(2) Qofna laguma qasbi karo in cid kale gacanta loo geliyo ama loo celiyo sababo siyaasadeed awgeed, iyadoo la tixgelinayo Qodobka 19aad (3) ee Dastuurka 1960 iyo Qodobka 8aad ee Xeerka Ciqaabta.

3. Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed;
Dhammaan qodobbada laga billaabo (Qod. 278) ilaa laga gaaro (Qod. 280) ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed ee 1963 (Sharci Lr. 1 ee 1-dii Juun 1963), waxay ku saabsan yihiin habka, raadraaca iyo shuruuradaha lagu celin karo qofka eedeysanaha u ah dawlad shisheeye ama dembi ka galay. Marka la soo koobo qodobbadaasi waxay caddeynayaan:

(1) In qofka u eedeysan dal shisheeye ama dembiilaha ah keliya la celin karo marka celintiisu aysan ka hor-imaaneyn Qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta iyo Qodobka 19aad ee Dastuurka 1960.

(2) Marka la celinayo qof eedeysane ama dembiile ah waa in la mariyo wado iyo hab sharci ah oo ah in Xeer-ilaaliyaha Qaranku dhageysto, kadibna markaas uu Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaaftu u diro Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

(3) Amarka celinta ee Maxkamadda Racfaanka waxaa racfaan uga qaadan kara Maxkamadda Sare qof eedeysanaha ama demiilaha ah iyo Xeer-ilaaliyaha Guud.

(4) Marka la celinayo qof eedeysane ama dembiile ah Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku wuxuu soo saarayaa amar lagu xirayo qofkaas.

(5) Marka la xiro qofka eedeysanaha ama demiilaha ah, haddii macluumaad dheeraad ah looga baahan yahay laga waayo dawladii codsatay soo-celintiisa, waa la siideynayaa, muddo (60) Lixdan maalmood ah Dawladaha Afrika iyo muddo (90) Sagaashan maalmood ah Dawladaha kale ee Caalamka. Haddii Dawladda codsatay soo celinta qofkaas ay mar labaad codsato in muddada loo kordhiyo si ay u keento macluumaadka looga baahan yahay, waxaa codsigaas oggolaan karta oo keliya Maxkamadda Sare ee dalka, kadib marka uu u soo gudbiyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda.

(6) Marka loo soo gudbiyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka qofka eedeysanaha ama dembiilaha ah, wuxuu go’aamin karaa in aan qofkaas la celin, wuxuuna isla markaasba amrayaa in xabsiga laga siidaayo qofkaas. Wuxuu kale oo go’aamin karaa in qofkaas la celiyo marka uu ku qanco caddeymaha la horkeenay, wuxuuna isla markaasba amrayaa in lagu wareejiyo awoodda ay tahay in loo celiyo.

(7) Sidoo kale, waxaa la joojinayaa celinta qofka eedeysanaha ama dembiilaha ah, haddii qofkaas lagu xukumi karo Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda amaba uu ku dhacay xukun.

Ugu dambeyntii marka la soo koobo aragtida sharciyada dalka ee ku saabsan isu-celinta ama gacan-gelinta qofka u eedeysan dawlad shisheeye ama demiile u ah, waxaa kuu caddaanaya in guud ahaan sharciyadu isku raacsan yihiin in aan qofkaas la iska gacan-gelin karin iyadoo aan la marin hab sharci ah oo loo dhan yahay, haddii uusan jirin heshiis ay dawladda Soomaaliya la gashay dawladda soo codsatay soo-celinta qofkaas ama aysan jirin Qodobo shuruuc caalami ah oo Soomaaliya ku waajibinaya in ay celiso qofkaas.

Sharciyada Heer Gobol ee Soomaaliya Xubin ka tahay:

Illaa iyo hadda ma jiraan sharciyo Heer Goboleed ah oo JFS xubin ka tahay, kuwaas oo ku waajibinaya Xukuumadda JFS in ay celiso qof eedeysane ama dembiile ah oo dal shisheeyey codsaday soo-celintiisa. Waxaa jira Heshiis ay Dawladaha IGAD dhawaan sameyteen (IGAD Convention on Extradition) oo ku saabsan isu-celinta dadka dembiileyaasha ah, kaasoo JFS aysan weli saxiixin oo aanay xubin ka noqon.

Sharciyada caalamiga ah:

Sidoo kale, ma jiraan shuruuc ama heshiisyo caalami ah oo JFS ku waajibinaya in ay celiso qof eedeysane ama dembiile u ah Dawlad shisheeye.

Puntlandes.com

About The Author