Dhagayso: ONLF oo si agad uga hadashay Goaankii ay DFS ugu yeerat Agagixiso ”Bayaan u qalma Xukuumad somaliyed ma aha”
7 Sept 2017 (Puntlandes) Ururka ONLF ee dagaalka hubaysan kula jira dowladda Ethiopia ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii ay dowladda Somalia shalay ku sheegtay in Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo DFS ay u dhiibtay Ethiopia uu ahaa argagixiso xiriir la leh ururka Alshabaab.
Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani, Afhayeenka ururka ONLF oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay in go’aanka dowladda Somalia uu yahay mid ka soobaxay xukuumadda Ethiopia.
Afhayeenka ururka ONLF ayaa beeniyay in ururkiisu uu yahay urur argagixiso.
Dhagayso waraysi Afhayeenka ururka ONLF
Puntlandes.com