Daawo Video: Riyadii Rumowday Puntland- Dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo si xawli ah kusocota “waxay noqotay Badhan Xaafad ka tirsan Bosaso”

8 Sept 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii xilka madaxtinimada la wareegay waxa uu ku dhawaaqay halhayskii soomaaliyeed ee caanka ahaa ee “Biyo Sacabadaada ayaa looga dhargaa” isagoo yiri “Puntland ha isku tashato”, taaso ah waa inaynu maskaxdeena iyo jeebkeena aaminaa iskana daynaa dadka kale oo aynu wax ka sugayno.

Barnaamijyadii waawaynaa ee kaabayaasha dhaqaalaha ee uu madaxweyne Dr Gaas ku dhawaaqo in Puntland laga hirgalinayo ayaa waxaa ka mid ahaa dhisme Wado Laami ah oo isku xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo dhererkeedu yahay 210km, wajiga koowaad waxaa loo asteeyey Ceel-Daahir iyo Badhan oo dherarkeedu yahay 90km.

Dad badan oo reer Puntland ayaa iswaydiiyey inay rumoobi karto Riyada madaxweynaha ee in Puntland Isku Tashi ku dhisan karto wado intaas dherarkeedu dhan yahay, iyadoo aan la haysan Qalabkii loo isticmaali lahaa dhismaha wadada, waayo aragnimo aqooneed iyo dhaqaalhii loogu baahnaa dhisma wadada.

Laakiin iminka dhismaha wadadaas waxa uu noqday “Riyadii Rumowday Puntland” Dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo si xawli ah kusocda 90km waxaa hada la marayaa oo u diyaar ah in Laami la saaro 47km, halka geed qaadkii iyo hagaajinta wadaduna uu iminka marayo 17km isugayn waa 64km inta laga shaqeeyey Wajigii koowaadna oo Badhan ahna waxaa ka haray 26km oo kaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Gaas ayaa ku wareejiyay guddiga dhismaha waddada Ceel-daahir iyo Ceergaabo, 19kii June 2017, lacag dhan 1-miylan oo doolar 1,000,000 oo loogu talo galay dhammaystirka waddadaas.

28c7

Wadadani waxay sahashay in ganacsiga iyo isku xirnaashaha Deegaanku uu aad sare ugu kaco waxaana hubaal ah inay dadka deegaaanka, reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ka faaiidi doonaan wadadan.

Mid ka mid dhalinyarada Deegaanka oo wariye Jaamac Daparani waraystay ayaa yiri “waxay noqotay Badhan Xaafad ka tirsan Bosaso”

Daawo muuqaal

Daawo sawirrada sida shaqadu u socoto
28c5

28c5a

28c5b

28c5c

28c5d
Puntlandes.com

About The Author