Xukuumadda Khayre oo ku fashilantay arinta Qalbi-Dhagax & shacabka Soomaliyed oo diiday inay aqbalaan ficilkii foosha xumaa ee ay ku dhaqaaqday
09 Sept 2017 (Puntlandes) Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii dhamaatay ee Augost 28keedii 2017 u dhiibtay dawladda Itoobiya Dhibane Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ka mid ahaa madaxda ONLF, taasoo keentay carro xoogan oo ka timid ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha dalka iyo debadaba.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si xoogan uga soo horjeestay in muwaadin Soomaaliyeed oo u soo dhaawacmay dalka ay dawladiisii u ganageliso dawlad kale, waxayna ka dalbadeen DFS madaxdeeda inay arintan ka qanciyaan.
Xukuumadda uu hogaamiyo RW Xasan Cali Khayre waxay aamusnaataba, 5tt bisha ayaa waxaa arinta Qalbi dhagax ka hadlay madaxweynaha dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamaxmuud Cumar, isagoo difaacay kuna sheegay inay sax ahayd inay DFS usoo gacan geliso hoos ka daawo.
Madaxweynaha DDSI ayaa sheegay inay heshiis dawlada Itoobiya la galeen Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) ayna DFS fulisay heshiiskaas.
Maalintii ku xigtay 6dii sept ayaa shir ay yeesheen Golaha wasiirada xukuumadda Khayre waxay ku sheegeen in la horkeenay Golaha nuqulo Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii iyo 2dii May 2016kii, kuwaas oo dhanka Soomaaliya ayu saxiixeen:
- Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Guuleed wax xil ah uma hayn DFS ee wuxuu ahaaa madaxweynaha maamulka Galmudug wuxuuna u tagay Jigjiga sida uu cadeeyey xalinta dagaal dhex maray shacab Galmudug ah iyo shacab DDSI, halka uu Xildhibaan Mahad isna cadeeyey inuusan matalayn DFS oo uu u tagay Jigjiga xalinta xolaad dhexmartay Beeshiisa iyo Beel kale oo DDSI degta, hoos ka dhagayso mudane Guuleed iyo Xildhibaan Mahad oo heshiiskaas ka hadlaya.
Dhagayso Guuleed
Dhagayso Xildhibaan Mahad
Xukuumadda Khayre ayaa intaas kuma harine waxay kusii dartay inay Argagixiso u aqoonsanayso Jabhadda ONLF ayna Itoobiya iska kaashanayaan la dagaalanka Alshabaab iyo ONLF maadaama ay Heshiiska Mahad saxiixay ku caddahay.
RW hore ee DFS iminkana ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxa ku sheegay in DFS dhiibto Qalbi-Dhagax ay ahayd khalad aad u wayn uusana dastuurku qabin in muwaadin loo dhiibo wadan kale, hoos ka dhagayso RW Sharmarke.
RW Sharmarke ayaa caddeeyey inuusan jirin heshiis ay Xukuumadiisii la gashay dawlada Itoobiya sida ay sheegtay xukuumadda Khayre, isagoo sheegay in labadaas heshiis ay ku saabsanaayeen oo kaliya xalin colaad ka dhex dhacday qayb ka mid ah shacabka DDSI iyo Galmudug uusana khusayn DFS aysana jirin cid waliik uga ahayd.
Dhanka kale RW Sharmarke ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay Argagixiso u aqoonsato Jamhada ONLF oo aysan jirin aduunka meel Argagixiso looqa aqoonsan yahay, isagoo tusaale u soo qaatay inay xafiisyo ku leeyihiin oo ka shaqeeyaan Maraykanka. Sharmarka ayaa Xukuumadda Khayre u baaqay inay caddayso sababta ay ku qaadatay go’aankaas.
Waxaa caddaatay in Xukuumadda Khayre ay ku fashilantay arinta Dhibane Qalbi-Dhagax, shacabka Soomaaliyeedna ay diideen inay aqbalaan ficilkii foosha xumaa ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda Khayre.
Dalka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay xukuumad cusub oo soo celisa kalsoonidii shacabku ay ku qabeen xukuumadda Soomaaliya oo iminka luntay, una baahan dib u unkid iyo dhayid.
Puntlandes.com