Shaqaalaha Xafiiska Raysul wasaaraha oo la fasaxay maanta & Wadooyinka Muqdisho oo la xiray si saamayn loogu yeesho kullanka Barlamka
09 Sept 2017 (Puntlandes) Raysul wasaaraha xukuumadda Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ky amray shaqaalaha xafiiskiisa inaysan maanta soo shaqo tegin.
Ma cadda sababta loo fasaxay shaqaalaha ka shaqeynayay xafiiska Raysul wasaraha, laakiin waxay khuburada la socota arimaha Soomaaliya ku xiriirinayaan kulanka Baarlamaanka ee maanta dhaci lahaa oo xukuumaddu u aragto mid halis ku ah.
RW Khayre ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii uu u fashilin lahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee doonay inay kula Xisaantamaan isaga dhiibistii Dhibane Qalbi-Dhagax.
RW Khayre ayaa wuxuu ogaa inay saamayn ku yeelan doonto Shaqaalaha xafiiskiisa wadooyinka magaalada ee ay xukuumaddiisu xirtay maanta si ay u fashiliso in Kooramka Baarlamaanku buuxsamo.
Dhamaan wadooyinka waawauyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa gala Villa Somalia ayaa xukuumadda xirtay maanta si ay u xanibto isku socodka magaalada.
RW Khayre ayaa ku guulaystay inuu hor joogsado in Xildhibaanadu soo xaadiraan xarunta Baarlamaanka, waxayna sababtay sidii uu rabay oo ah in Kooramku buuxsami waayo maantay, sidaasna waxaa sidii qorshaha RW Khayre ahaa ku baaqday kullankuu Baarlamaanka.
Puntlandes.com