Daawo Video: Xukuumadda oo ka shaqaysay inuu baaqdo kullankii Barlamanka ee maanta & Jawari oo digniin soo saaray
09 Sept 2017 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa lagu waday in Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya uu yeesho kullan ay kaga hadlayaan arinta Dhibane Qalbi-Dhagax, laakiin kullanaasi wuu baaaqaday kadib markii ay Xukuumadda Khayre ka shaqaysay sidaas.
Kullanka ayaa waxaa is diiwaan geliyey 104 Xildhibaan, halka Xildhibaano badan oo ku jira Golaha Wasiirada Khayre ay diideen inay is xaadiriyaan ama is qoraan iyagoo xildhibaanada lacag ku baayacayey.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la baajiyo Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ,islamarkaana xildhibaanada intay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka oo aysan sameyn wax saxiix ah.
Daawo muuqaalka
Puntlandes.com