Madaxweyne Xasan oo ka shaqaynaya sidii ay Somaliyi isugu imaan isagoo ku tubanaya wixii lagu Heshiiyey

 

Madaxweynha DFS, Xasan Culusoow ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay dhamaadkii Sitimaankii hore sidii caadada u ahayd ku jabiyey Dastuurkii ay ummaddu ku heshiisay doonayana sidii looga bartay in waxa isaga iyo kooxdiisu rabaan in  uu ka socodsiiyo Somalia oo aan Tuulo Tuulo haysan Cajiib.

Waxaa Soomaaliyi ku Heshiisay in laga wada hadlayo meeshii haddiiba Soomaali ay isku timaado u noqon lahayd caasimad. Haddii ay dhacdo in ay Xamar noqoto Caasimada Soomaliya in ay Maqaam gooni ah yeelan doonto kaas oo ah sida aduunwaynuhu ku dhaqmo. Aduunka ma jirto meel looga dhaqmo caasimad dal oo ku taal magaalo State kale Xukumo, laakiin taas uma muuqato Kooxda Xasan Culusoow wuxuuna ku dhawaaqay in uu Dawlad ka mid ah dawladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka Somalia uu u dhisayo Xamar sidii uu hore ugu riyoodan Gobolka Mudug waxaan ku daray Gobolka Galgaduud..

Madaxweynuhu Qudbadiisaas oo la wada sugayey in uu uga hadlidoono Khilaafka uu sababta u yahay ee Ragaadiyey shaqadii DFS ma soo hadalqaadin mana soo qaadin Baarlamaanka u qaybsamay labada Garab oo uu mid hogaamiyo.

Daawo daqiiqada 8:10-9:00

Puntlandes.com

About The Author