Saxaafada Xamar oonba ogayn meeshay Somalia dhigeen 24 sano ee u dambeeyey

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan heshiisyo waaweyn la saxiixastay Somaliland taasi waxay keentay in sidii caada u ahayd ay Saxaafada Xamar ka xumaato iyadoo aanba iswaydiinayn meesha ay wixii la isku oran jiray Somalia taalo maanta iyo sababta keentay. Tayda waa in la qaataa waa waxa Soomaali halkaas dhigay ayna isugu imaan la’dahay mudo 24 sano ah.

Dawladnimadu waa dadka ee maaha Koox yar ah oo doonaya in ay inta kale ku khasbaan waxa ay rabaan sidaas buuna Xamar xaalka yaalay haa tan iyo 1991 kii. Walina dariiqii ayey ku socdaan.

Somaliland waa ku saxsan tahay in ay Heshiisyo la gasho cidii ay doonto inta ay Xamar miyirsanayso maba muuqatee. Itoobiya iyo Aduunka intiisa kale waa ogyihiin xaqiiqada ka jirta Somalia iyagaana u baxshay magaca ilaa hada dhaqaaqi la’a ee DFS. Somaliland iyo dalka intiisa kale uma jajuubna Kooxdan aan ka shaqaynayn Somalinimo iyo dawladnimo ee ka shaqaynaya wax uun sii kala geynaya Soomaalida oo aan isku keenayn.

 

Hoos ka akhri Qoraalkan Saxaafada Xamar qortay adaa Qosline

Sharci ma tahay in ay Dowladda Itoobiya heshiisyo la gasho Somaliland iyada oo joogto Dowladda Federaalka?

http://www.allbanaadir.com/news.php

Dowladda Itoobiya ayaa heshiisyo waaweyn la saxiixastay Maamulka la magac baxay Somaliland ee ka arimiyo Gobolo ku yaallo Waqooyiga dalka Soomaaliya.Heshiisyadan ayaa yimid, ka dib markii ay halkaasi gaareen Wafti ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Maalliyadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ninka lagu magacaabo Sufyan Axmed.

Waftigan ayaa ka koobnaa wasaarado dhowr oo ka tirsan Dowladda Dhexe ee sida Wasaaradda Maaliyadda,Arimaha Dibadda,Wadooyinka iyo Wasaarada kale oo muhiim ah,Waxa uuna Waftigu booqday inta uu joogay deegaankaasi goobo muhiim ah sida Dekedda Magaalada Berbera iyo Xarumaha Keydka Shidaal ee Dekedda.

Waftigan sharcidarada ah, ayaa la saxiixday Maamulka Somaliland heshiisyo dhowr ah sida isticmaalka iyo hagaajinta Dekedda Berbera,Sameynta Jid tareen,iskaashiyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo arimo kaloo muhiim ah xilli heshiiskaas aan waxba lagala socodsiinin Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Booqashada waftigan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo muhiim ah,kuwaas oo ay is weydiinayaan dadka Soomaalida gaar ahaan Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kaleba,Waxaana su’aalahaasi ka mid ah kuwa soo socda:-

1-Sharci ma tahay in ay Dowladda Itoobiyo heshiisyo la gasho maamul goboleed Iyada oo ay jirto Dowladd Dhexe ?

2- Itoobiya ma waxa ay u aqoonsan tahay Somaliland dal madax banaan oo xor ah ? mise qeyb ka mid Soomaaliya 

3-Dowladda Itoobiya uma aqoonsana miyaa Dowladda Federaalka in ay Iyadu tahay midda matasha Soomaaliya oo dhan ?

4-Itoobiyaanku ma aqoondaraa haysa mise waa kutalagal iyo kas hesgiiskii ay la gashay Somalinad ?

Dhamaan su’aalahani iyo kuwa kale oo ka dhashay heshiiskani, ayaa u baahan in laga jawaabo, si loo cadeeyo marxaladda uu ku sugan yahay dalkan iyo waliba Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh,taasoo la sheegay in ay ka baxday kumeelgaarkii islamarkaana ay tahay dowlad rasmi oo loo dhan yahay.

Sida uu qabo Sharciga Caalamiga ah, waa sharcidaro in ay Dowladda Itoobiya heshiisyo waaweyn la gasho maamul ka jira Dalka Soomaaliya oo aan ahayn Dowladda Federaalka maxaa yeelay, Dowladda Federaalka waa midda kaliya ee matasha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu Caalamku ictiraafsan yahay.

Inkasta oo ay tabar yar tahay Dowladda Federaalka, hadana wali waxa ay haysataa sharciyad iyo ictiraaf caalami ah,kaas oo uusan haysanin maamul kale oo ka jira dalka.Waxaa uuna Caalamku u aqoosan yahay Dowladdaasi in ay tahay midda kaliya ee ka wakiil ah dalka Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland,Waxaana ku siinayaa Sedex tusaale oo muhiim ah,Kuwaas oo kuu cadeynayo in ay Soomaaliya ka jirto hal dowlad oo kaliya,Islamarkaana masuul ka ah dalka oo dhan.

Tusaalaha koowaad, Dowladda Federaalka ayaa fadhisa dhamaan xarumaha iyo kuraasta ay Soomaaliya ku leedahay fagaarayaasha Caalamka oo dhan sida Qaramada Midoobay,Jaamacadda Carabta,Midowga Africa,Ururka iskaashiga Islaamka iyo waliba Urur Goboleedka Igad.

Tusaale labaad, Dowladda Federaal ayaa wali maamusho dhamaan Safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd Caalamka oo dhan sida midda Washington,London,Baris,Moscow,Qahira,Riyad,Doha,Tehraan,Sanca,Istanbul,Nairobi,Adis Ababa,Dari Salaam iyo kuwa kaloo badan.

Tusaalaha Sedexaad oo runtii aadka u muhiim ah waxaa weeye, in ay Magaalada Muqdisho ka furan yihiin dhamaan Safaaradaha uu Caalamka ku leeyahay Soomaaliya,taasoo runtii astaan in uu Caalamku aqoosan yahay Dowladdani, Islamarkaana uu ogol yahay in uu Iyada u daba-fadhiisto dhamaan waxyaabaha laga qabanayo dalkan haday ahaan lahayd taagero siyaasadeed ama mid bini’aadamnimo.

Dhamaan tusaalayaashii aan soo xusay iyo kuwa kale oo badanba,Waxa ay tilmaamayaan in ay Dowladda Federaalka haysato sharciyad ay ku matasho dalka iyo dadka Soomaaliyeed,Islamarkaana siineyso in ay ku hadasho afkooda laakiin nasiibdaro raggii fursadaasi haystay waa kuwan iyaga isku mashquulay oo isku garaacayo caagadaha sida dad waalan oo kale

Inkasta oo ay Somaliland ku dhawaaqday mudda dheer in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hadana ma jirto wali dowlad aqoonstay, umana malaynayo in la aqoonsan doono sababa badan oo jira awgood.Maamulkan uu hogaamiyo Dictator Siilaanyo, ayaa garaacay albaab kasta oo uu ku heli karo ictiraaf dowladnimo laakiin nasiib wanaag wali lama helin albaab furmo oo yiraahdo welcome xitaa kii gumeysan jiray (ingiriis) ee laga dabareebi la’yahay.

Marka aan hadalka soo kooobo, Soomaaliya wali waxa uu Caalamka u aqoonsan yahay hal dal oo leh hal dowlad haba tabar yaraatee,Waxa ayna Dowladdaasi fadhisaa Xarunta Umadda Soomaaliyeed muqdisho. Amma wixii ka soo haray Dowladdaasi waa maamul local ah oo hoostaga Dowladda federaalka, ama ha diido ama ha yeelo laakin sharciyan dalkan, waxa uu leeyahay hal dowlad oo kaliya waana midda uu Caalamku oqoonsan yahay

Hadaba, heshiiskii ay Dowladda Itoobiya la gashay Maamulka Siilaanyo waa mid sharci daro ah, islamarkaana xadgudub ku ah Qaranimada iyo Madax banaanida dalka Soomaaliya,Waxa uuna heshiiskani dhaawacayaa xariirka u dhaxeeya labad Dowladood iyo Labada Shacab hadaysan arintaasi ka noqon Dowladda Itoobiya, islamaraakana aysan raaligelin ka bixinin.

Dowladda Itoobiya wey og tahay, in ay Soomaaliya ka jirto Dowlad Dhexe oo matasha dhamaan gobolada uu ka kooban yahay dalka, hadaba sidee ku dhici kartaa in ay saxiixdo heshiis ceynkaasi oo kale ah Iyadoo og xaqiiqda ka jirta dalka tusaale ahaan, dalka Itoobiya waxa ka jira nidaam federaali ah,kaas oo awoodaha u kala qeybinayo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sida Soomaaliya oo kale, so why they do this ?

Tusaale ahaan ma u banaan tahay Dowladda federaalka Soomaaliya, in ay heshiisyo waaweyn la gasho Dowlad Goboleedka Amxaarada ama kan Oromada, Iyada oo aan waxba lagala socodsiinin Dowladda Dhexe ee Adis Ababa fadhida ? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay Dowladda Dhexe oo kaliya ayaa heshiisyo la geli karta dalal kale laakiin ninkii dan leg marmarsiiyo ma waayo.

Anigu, Waxaan aaminsanahay in ay arintan tahay daandaansi iyo dagaal doon, maxaa yeelay Dowladda Itoobiya wey ogtahay xaqiiqda ka jirta dalkan,Waxa ay sidoo kale aqoon fiican u leedahay xeerarka iyo qawaaniinta Caalamiga hadaba maxay talaabadaasi uqaaday waqti xaadirkan ? Jawaabtu way iska cadahay maxaa yeelay waxa ay hubsatay in ay gacanta ku haysto inta badan Shaqsiyaadka horbooda maamulada dalka ka jira sida Somaliland,Puntland,Jubba iyo waliba Dowladda Federaalka oo ay rag badan ku leedahay.

Dhinaca kale, Waxa aad mooddaa in ay Dowladda Itoobiya halkeedii ka sii waddo faragelintii iyo dhibaatooyinkii ay ku haysay dalka Iyadoo ka faa’iideysaneysa karti-xumida iyo khilaafaadyada ka dhex jira Madaxda Dowladda Federaalka,Waxaadna ka garantaa waqtiga lagu soo beegay heshiiskan Sharcidarada ah ee ay ku kala dhantaaleyso midnimada iyo wadajirka dalka.

Midda kale, Waxaa iyadana jirta damac dhul boob ah oo ka imaanayo Dowladda Kenya, Iyadoo ka faa’iideysaneysa jilaaca iyo duruufta ay ku nool yihiin dadka Soomaalida ah.Arimahan oo dhan ayaa imaanayo xilli ay dadka Soomaalida isleynayaa islamarkaana ay isku adeegsanayaan wax alaale iyo wixii ay heli karaan,taasoo runtii ah arin nasiibdaro weyn,Waxaase iila yaab leh Siyaasiyiinta Soomaalida ee caadeystay khilaafaadka joogtada xilli uu khatar ku jiro mustaqbalka dalkooda iyo dadkooda.

Hadaanan maanta la helin dad u istaaga badbaadin dalkan qarka u saran in uu baaba’o, waxaa runtii imaan doonto waqti ay adag tahay in wax la qabto,Waxaana haddaba muuqdo ififaalo xun oo muujinayo in la kala tagay oo meesha magac un lagu hayo.Maanta runtii fursado badan ayaa la haystaa oo lagu heshiin karo islamarkaana dib loogu dhisi karo qarankii burburay laakiin Berri Alaahu Aclam.

Gaba gabadii, Waxaan ku leeyahay Itoobiya jooji faragelinta iyo qaska aad ka waddo dalka, Islamarkaana xaqdhowr darisnida iyo Qawaaniinta Caalamiga haddii kale adiga ayaa masuul ka noqon doona wixii ka yimaada arintan. Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinaya Shacabka Soomaaliyeed talooyinka soo socda si loo badbaadiyo midnimada iyo madax banaanida dalka.

1-In la sameeyo Xisbi Wadani oo ay hogaanka u hayaan dad wadaniyiin ah islamarkana karti leh.

2-In laga mudaaharaado faragelinta iyo boobka ay wadaan Dowladaha Dariska, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya

3- In la sameeyo warbaahin wadani ah, islamarkaana madax banaan si sare loogu qaado wacyiga dadka Soomaaliyeed

4-In mudnaanta la siiyo midnimada iyo madax banaanida dalka, si uu u sii jiro dal Soomaaliyeed oo xor ah islamarkaana mid ah.

About The Author