Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Soo Degey Magaalada Bosaso

Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 15 September 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kadib gudashada rukniga diiniga ah ee Xajka.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kaso degey magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaah dawladda Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey inay aad ugu farax san yihiin inay dib ugu soo noqdaan dalka oo nabadda, waxaana uu shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay isaga kaashadeen sugidda amniga, horumarka iyo xasiloonida dalkooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntlandba inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda, isla mar’ahaantaana ay meel uga soo wadajeestaan cadawgooda.
IMG_8447

IMG_8395

IMG_8465

IMG_8342

IMG_8475

IMG_8379

IMG_8382(1)

IMG_8382

IMG_8410

IMG_8471

IMG_8383

IMG_8447

21731158_768457246647771_5471278777330364698_n

IMG_8391

IMG_8436

IMG_8479
Puntlandes.com

About The Author