Shariif Xasan oo maanta ku dhawaaqay in uu musharax u yahay xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed

Waxaa lagu wadaa in maalinka beri ay dhacdo Doorashada madaxweyneha maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda Gobol,
Xil Shariif oo hogaaminayay Xildhibaano oo maanta ka degay Baydhabo ayaa ka hor-jeediyay khudbadiisa musharaxnimo ilaa afar boqol oo ergo oo dooran doonta Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Xildhibaan Shariif Xasan “Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan”
Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.
Xil Shariif Xasan oo qudbadiisa sii wata ayaa yir “Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”
Shariif Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe.
Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in Maamulada uu deriska la noqonayo ay deris wanaag kula noolaan doonaan.
Shariif Xasan ayaa la saadaalinayey in loo doorandoono madaxweynaha Koonfur Galbeed maadaama ergada uu isagu keensaday intooda badan.
War saxaafadeed si wada jir ah todobaadkii hore uga soo baxay Madaxda dowladda ayaa waxaa muddo KMG ah lagu hakiyay shirkaas, inkastoo xubnaha ergooyinka iyo Gudiga farsamada aanay dheg jalaq u siin baaqa Madaxda dowladda.

Puntlandes.com

About The Author