Sawirro: Ciidamada Booliska Bosaso oo gacanta ku dhigay fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo Puntland kaga yimid Koonfurta Soomaaliya
17 Sept 2017 (Puntlandes) Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku haya suqyada degaannada Puntland, kuwaas oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha kantaroolka Boosaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.
Lacagta been abuurka ah oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada kantaroolka Bosaso ayaa lagu wareejiyey Wasarad Maaliyada Puntland.
Boolisku waxay sheegeen in lacagtan ay tahay shilin Soomaali been abuur ah,waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.
Qabashada lacagatan aya ku soo beegmaysa xili dhawaan Wasarada Maaliyada Puntland ay Amaro ka soo sartay lacagaha laga keenayo gobalada kale Ee soomaliya.
Puntlandes.com