Akhriso Guddoonka Baarlamaanka oo Guddi gaar ah u saaray arintii Dhibane Qalbi-Dhagax
18 Sept 2017 (Puntlandes) Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta magacaabay Guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay dhiibidii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo dhiibay geliyay dowladda Itoobiya.
Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaano ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaaraan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.
Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda. Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu ku qabsoomo 21-ka bishan September
Waxaa kaloo la faray in 10ka bisha October ay ku soo gudbiyeen warbixin Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabkayn.